Wargeyska Warsugan Oo Xog Ka Helay Shir Guurti Loogu Samaynayo Soomaaliya iyo Qorshe Ah In Gudoomiye Looga Dhigo Mid Ka Mida Madax-dhaqameedka Somaliland

0
320

Hargeysa (Warsugan) Dawladda Soomaaliya ee gadhwadeenka ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo shaac saartay guurti ay ku sheegtay inay yeelnayso Soomaaliya, kuwaas oo ka koobaan doona madax dhaqameedka Soomaalida oo ay Somaliland ku jirto.

Guurtida ay Soomaaliya sheegtay ayaa noqon doono kuwa ka shaqeeya danaha soomaalida, iyada oo xooga lagu saari doono ka hawl galida arrimaha siyaasadda iyo wada shaqayn dhex marta soomaalida ku kala sugan koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland

Xogo Wargeyska Warsugan helay ayaa sheegay in xooga lagu saari doono saddex qodob oo ay ka mid yihiin: 1. In Soomaaliya loo sameeyo gole guurti. 2. In Qabiilooyinka Soomaalida laga dhex xusho xubnaha guddiga. 3. In gudoomiyaha guurtidaas la siiyo madax dhaqameedka Somaliland oday ka soo jeeda.

Ilaaha hada ma cada qofka ay guurtidaasi xulaytay ee ka soo jeeda Somaliland iyo cid lala soo xidhiidhay oo wax laga waydiiyey arrintaas.

Salaadiinta Somaliland iyo xukuumadda ayaa dhawaan siyaabo kala duwan uga hadlay qorshihii Turkeygu beeneyey ee sheegayey in wada hadalka Somaliland loo badali doono dhanka madax dhaqameedka, iyaddo arrintani tahay mid ku kooban oo kaliya dawlada Xasan Sheekh ee koonfurta Soomaaliya.