Madaxweyne Ducaysan Iyo Mucaarid Bakhtiyay Qore Khadar Ibrahim

0
744

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.

Inta badan bulshada reer Somaliland, waxay qawadeen siyaasadda xisbiyada mucaaridka ah bilahan u dambeeyay. Waxa dadka candhuuftooda dib uga liqay xiisaha miidaanka siyaasaddu, ay doodooda sal uga dhigeen in aanay ahayn xirfad shuruudo leh oo qofka siyaasi noqonayaa ay tahay inuu buuxiyo aqoon ahaan, waayo-aragnimo iyo bisaylkiisa qofnimo intaba.

Marka ay xukuumadi gaadho go’aan culus oo ummadda saamayn ku yeelanaya, waa wax iska caadi ah in ay dadku fikrado kala duwan is iskala hor yimaadaan. Dimuqraaddiyadda aynu qaadanay ayaa xorriyad buuxda siinaysa muwaadiniinta cashuur bixiyeyaasha ah. Sidoo kale muwaadin kastaa wuxu xaq u leeyahay cod uu ku doorto cidda metelaysa. Laakiin muwaadin kastaa xaq uma laha in uu noqdo go’aan-gaadhe. Dawladnimadu sidaas maaha. Mucaaridnimaduna maaha in aad ka soo hor jeedsato tallaabo kasta oo xukuumaddu qaaddo xataa haddii ay khayr u leedahay dalka.
Runta inaad sheegto waxaa ku jirta gobanimadaada ciduu doonana ha ahaatee qofka wanaaga sameeya waa la sheegaa oo laaga mahad celiyaa waliba lagu abaal mariyaa, waxaan uga goleeyahay xukuumadan maanta uu majaraha u hayo Mujaahid Madaxweyne Siilaanyo waanu ku amaanaynaa waanu ku mahadinaynaa oo waanu ku dooranaynaa markale horumarka iyo waxqabadka muga weyn ay samaysay. Cidii istidhaahda qari iftiinka cadceeda iyo dayaxa iyuun baa ku daasha , waxqabadka iyo horumarka xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadan sidaas oo kale ayuu ka dhigan yahay qofkasta oo muwaadina muxaafid iyo mucaarid midkuu doono ha ahaatee ku eega indha fayow oo caafimaad qaba marnaba ma dafiri karo ilayska waxqabadka iyo guusha xukuumada maanta.

Dalkeena waxaa hore u soo maray Dawladdo kal danbeeyey kuwii hore waxba ku noqon maayee, waxaynu ogayn Xukuumadii riyaale in shaqalaha dawladda iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee qaranka aanay mushahar ku filan qaadin jirin iska daa meel wax laga qabtee , halka markii danbena lagama goostay mushahaarooyinkii, waxaynu ogayn in musuq badani uu ragaadiyey xukuumadaas dalkuna u liitay dayac iyo darxumo baahsan.Wanaaga iyo horumarka markaad heshaad hadana hiigsataa inaad kasii badiso waana ta maanta dadka bartay inay jirto wax la yidhaahdo cadaalad oo ay saamigoodii doonaan gobolo iyo dad aan intii siilaanyo ka horaysay xaqoodu maqnaa balse aan ogayn ee garowsaday oo iftiinka iyo laydhu saaqday markii Majaahidku yimi, islmarkaana ay garteen inay markii hore ku jireen naf la xarbi markii baahiyihii kale dhamaystirmeena ay tabeen tabashooyinkoodii, waa ilaah mahadii mar hadii aan cadaalada iyo horumarka la aqoon siilaanyo hortii.

Hadaanu garanayno wax dalwadd loogu abaal gudo maanta dalwada madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaanu ugu abaal gudi lahayn, waxaanu se leenahay wixii wacan lama masuugee waa la mahadiyaa, maaha in dacaayad laga saameyo madaxweynaha oo habaar laysla taago markii ay ka badin kari waayeen kuwa xukun jaceelku hayo sida qolooyinkan waddani ku tusbaxaysta !!, habaar kursi idin geeye maayee ee xirfad la yimaada!.Dalku Waa Kulmiye….

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com