Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

0
769

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka mid ah ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa ugu yar balse ka howlgala deegaanada ugu adag uguna ballaaran dalka Soomaaliya.

Madaxweyaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin labo batalyan.
“Ciidamadeena marti kuma aha dalka Soomaaliya wadankooda oo kale ayay joogaan waxa ay ka qeybgalaan sugida amniga,gurmadka iyo weliba xalinta khilaafaadka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa rajo ka muujiyay doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacay isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer duruuf adag ku soo dhex jireen.
Ugu danbeyntii, dalka Jabuuti oo kamid ah dalalka Afrika ayaa waxaa ka soconaya mashaariic kala gedisan iyadoo wadamo badan ay mashaariic ka hirgeliyeen dalka Jabuuti.