Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, hna ku simaha madaxweynaha Qaranka oo tacsi u diray Eheladii u ka Baxay Marxuum Ismaaciil Bootaan Cabdi

0
387

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN-18/02/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Ismaaciil Bootaan Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2017.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday nabadeed door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee aadka looga yaqaan guud ahaan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.