Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Tuka-raq + Sawiro

0
489

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Tuka-raq.

Tuka-raq-22.01.2018-()WSNWefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo saaka hiirtii waaberi ka jarmaaday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta gaadhay deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga, md. Ciise Axmed Yusuf , Wasiirka Wasaaradda khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Md. Maxamed Muuse Abees, ayaa gaadhay deegaanka Tuka-raq oo dhawaan ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland si nabadgalyo ah ugala wareegeen maleeshiyaad ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, markii ay gaadheen magaaladda Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka Sool iyo Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taanni oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool kuna hawlanahaa dejinta Ciidamada Qaranka maadaama ay ka guureen Fadhiisimihoodii hore ee deegaanka Gambadha.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Saylici oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Qaranka ayaa salaan ka qaatay qaarka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku sugan Jiida Tuka-raq, Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale warbixino kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore.

Taliyaha Ciidamadda aagga bariga Somaliland, Janaraal Cali Barre Xuseen iyo Taliyaha Ciidamada aagga Tuka-raq Gaashaanle Sare Yuusuf Aadan Nuur (Yusuf Marduuf) ayaa Madaxweyne ku xigeenka faah-faahin ka siiyay fadhiisimaha Ciidamada Somaliland, nabadgalyada deegaanka Tuka-raq iyo Wakhti xaadirkan Cabirka aanay gaadhin ee ka dhiman Jamhuuriyadda Somaliland oo ah 70 KM.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Taanni ayaa isagu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland sharaxaad ka siiyay xiisad mudooyinkii ugu dambeeyay ka jirtay deegaankaa Waxaannu yidhi “Mudane Madaxweyne ku xigeen halkan waxaa joogga ciidankii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibkiisii Qaran, halkan naga soo horjeeda waxaa joogga ciidamo lagu soo ururiyay. Kolay anaggu laba dhanba dhib lama rabno. Kuwaasna waa dadkaygii kuwana waa dadkaygii laakiin waxa laysku maandhaafsan yahay waxa weeye waar xadkaygii baan tagayaa iyo tagi maysi.”

Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Somaliland, Md Ciise Axmed Yusuf ayaa sidoo kale fariin u diray dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay kusoo xadgudubtay Xuduudihii Somaliland, waxaannu yidhi “ Colaad inagu ma wadno, wixii waajib dastuurku na farayay masaafo intaa le’eg baan u jirnaa oo daakhilka kagaga jirnaa xuduudaheenii, qolada hadda innaga soo horjeedana waxaan leenahay waar colaad ninna kuma caanno maalo, Wixii inaga gaadha khasaare uun baa ka kordhaya, “xaqiiqdu waxa weeyaan nabadbaa nin kasta deeqda , Waxaynu ku caano maalnay oo Soomaaliyadaa hada wareersan kagaga duwan nahay waa xasilloonida iyo nabadgalyada aynu todobada iyo labaatan kaa sanno ku caano maaleynay hadana tii baynu bud-dhig u nahay oo ugu baaqaynaa cidii taa nagala garanweydana waa lays arki doonaa”.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isaguna mahadnaq u jeediyay Ciidamada Qaranka Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dibjireen difaaca dalkooda iyo ilaalinta guud ee nabadgalyada Qaranka Somaliland, “ dhulkii Somaliland oo aan xuduudi ka dhaweyn ayaad joogtaan maanta aad iyo aad baan idinka mahadcelinayaa sida aad heeganka ugu tihiin difaaca qaranka , Waxa aan maanta idiinku nimadnay oo halkan u soo joogsanay colaad maaha, Waxaannu u nimi in aanu idiin mahadnaqno oo idin baarigno, waxaanu kaloo u nimi in aanu idinku waanino inaad dhowrtaan oo caawisaan shacabkiina aad la joogtaan”.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa Ciidamada Somaliland u soo jeediyay in aanay wax dagaal ah dhankooda uga tahay cidkasta oo hada ku sugan Xuduudaha Somaliland balse ay isdifaacaan oo kaliya waxaannu yidhi “ Xudduud ka dalkeena intaa inoo dhiman waxaynu uga joognaa inaga oo dhowreynaya in aanay dhibaato dhicin iyo inay magaalooyin maanta degen oo walaalaheenaa Soomaaliya ah ee aynu jaarka nahay inay dhibaato ku timaado ayaynaan jecleyn”.


Wa- bilaahi Tawfiiq