Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira socdaalkiisi Dlka Ethiopia ayaa la kulmay Laba madaxweyne oo hore u soo maray Xilalka Dalalka South Afrika iyo Suudaan.

0
457

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ku guda jira socdaalkiisi Dlka Ethiopia ayaa la kulmay Laba madaxweyne oo hore u soo maray Xilalka Dalalka South Afrika iyo Suudaan.

Adis-ababa(Warsugannews)madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, safiirka somaliland ee itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan xogyaha gaarka ah ee madaxweyne ku xigeen Cabdirashiid ayaa la kulmay madaxweyninihii hore koonfur Africa Thabo Mbeki ahna Gudoomiyaha gudiga sare ee xalinta khilaafaadka koonfur afrika iyo chief staff ka gudigaasi.

safiirka Somaliland ee itoobiya Maxamuud Jaamac Aadan Galaal oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo South Afrika ay yihiin laba wadan oo khabiir ku ah dhinaca nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka.
markaa hadii labada khibradood la isla kaashado ay wax weyn ka tarayso nabadaynta Koonfurta Suudaan Somalilandna ay diyaar u tahay inay khibradeeda la wadaagto.

11896246_10153071805656711_7360000599623326046_n
wasiirka arrimaha dibada JSL Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay somaliland buuxisay shuruudihii lagu aqoonsan lahaa dawlad, isagoo xasuusiyay Thabo Mbeki markii uu madaxweynaha ahaa inuu ka garaabay qadiyada ictiraafka somaliland imikana looga fadhiyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa xidhiidhka labada dal.

11949274_10153071805646711_7020919294280951339_n

Madaxweyne ku xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna uga waramay heerarkii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay iyo horumarka ay ku talaabsatay iyadoon beesha caalamka ka helin gacantii ay uga baahnayd isagoo sidoo kale ku dheeraaday kaalinta hormoodnimo ee koonfur afrika kaga jirto qaarada afrika loona baahan yahay sidii ay uga ololayn lahayd qadiyada madaxbanaanida Somaliland.
11892231_10153071805871711_4713904001861265440_n

Madaxweynihii hore ee koonfur afrika Thabo Mbeki ayaa ku amaanay somaliland sidii ay meel souse wax uga soo bilowday nidaamka dawladnimo soona gaadhsiisay heerka ay maanta taagan tahay ee ay ku naaloonayso dimuquraadiyada nabada iyo xasiloonida.

Geesta kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenka somaliland la kulmay Madaxweynihii hore ee Suudaan saadiq Al amiin oo ay ka wada hadleen arrimo dhawra.

WARSUGANNEWS
ADIS-ABABA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here