Madaxweyne Maxamed Siilaanyo Waa halyey Ku Suntan Taariikhda Halgan Iyo Hogaamineed ee Somaliland‏

0
647

Taariikhdu ayaa hore u xustay waxaana uu ka mid yahay dadka baalaha ugu mudan ee dahabkaa kaga jira Madaxweyne siilaanyo, tan iyo maalintii uu hana qaaday wuxuu halkan habeen iyo maalinba ugu jiray dalkiisa iyo dadkiisa waxaana uu kasoo mid noqday Golihii Wasaarida ee Xukuumadii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre sida taariikhda ku xusuna wuxuu masuuliyiintii ugu hadalada cad cadaa marka loo eego dooda miiska si xorana u dhiiban jiray fikirkiisa islamarkaana ka dhiidhiyi jiray dhibaatada dadkiisa isagoo ahaa masuulka keliya ee siyaad bare runta aan kala gaban jirin siyaad barena uu si gaara u qadarin jiray halka wasiiradii kale ay madaxa hoos u dhigi jireen.

Mudane: Axmed Maxamed Siiaanyo isagoo kamida wasiiradii ugu cad cadaa ee Xukuumadii Siyaad bare gurigiisuna uu kasoo horjeedo Villa Somaliya waxaa uu ka door biday taandho ku taala hawdka Itoobiya, ka dib markii uu dul qaadan waayey dhibta iyo tacadiga lagu hayey dadkiisa wuxuuna duurka u galay inuu dalkiisa iyo dadkiisa xoreeyo nolsha uu ku noolyahayna uu ka doorbiday geeri.

Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu u babac dhigay Dawlad quwadeeda ay Africa ka qeylisay balse geesinimadiisa ku aadan hankiisa iyo himaladiisa waxay ahayd inuu shacabkiisa ka xoreeyo qori caaradiina kaga muquuniyo cadowga taasina waxay sababtay inuu isagu gacantiisa ku dagaalamo maalin gelinkeed, ka dib dhaladii iyo lasoo noqoshadii Xorniamda somaliland waxaa la yagleelay dawlad cusub oo seeska loo dhigay intaasna waa uu ka shaaqeeyey waxaana uu xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii Cigaal, iyadoo uu geesinimada uu caan ku yahay Axmed siilaanyo, waxaa uu qaatay 2003 go,aankii ugu adkaa kaasoo ahaa inuu aqbalo doorashadii 80 cod lagaga musuqay islamarkaana uu haneeyey isagoo shacabkana ugu baaqay inay isdejiyaan, go,aankaasi waxaa lagu tilmaamaa go,aankii ugu qaadashada adkaa.

Axmed Maxamed Siilaanyo waa halyey ku suntan taariikhda halgan iyo hogaamineed ee Somaliland, Shan sano iyo dheeraad uu hada majaraha u hayo dalka waxaa ka muuqda isbedel iyo horumar la mahadiyey dhamaan na soo jiitay aduunyada , waxaan ku leeyahay Madaxweyne Guul iyo Gobanimo ku waar.

W/Q: Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here