Madaxweyne Putin oo siiyay dhalashada ruushka jilaaga caanka ah ee reer Mareykan Steven Seagal

0
350

waaxa qorey yaasir br

Madaxweynaha dalkaasi Ruushka Vladimir Putin ayaa xalay magaalada Moscow ku guddoonsiiyay baasaboorkiisa cusub ee ruushka jilaaga caanka ah ee reer Mareykan Steven Seagal kaas oo horay u dalbaday dhalashada dalka Ruushka.

Putin oo gacantiisa ku wareejiyay baasaboorka ayaa sheegay in arrintan ay soo celin doonto xiriirkii wanaagsanaa ee ay la lahaayeen xukuumadda Washington.

Steven Seagal oo isna dhankiisa ka hadlay baasaboorkiisa cusub ee ruushka ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo, waxaana uu uga mahadceliyay madaxweyne Tutin u fududeynta loo fududeeyay helista baasabooska.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli xiriirka xukuumadaha Ruushka iyo Mareykanka uusan wanaagsaneyn, balse laga yaabo in uu wanaagsanaado marka uu xilka la wareego madaxweyanah cusub ee Mareykanka Donald Trumo kaas oo xiriir dhow la sheegay in uu la leeyahay dalka Ruushka iyo madaxweynihiisa.