Madaxweyne Shuftada Milgahaaga Iyo Magacaaga Ku Maxaafsanaysa Ayaa Xadhig Kaaga Baahan, Dalkana Ka Qabo Dumarkan

0
672

Madaxweyne Shuftada Milgahaaga Iyo Magacaaga Ku Maxaafsanaysa Ayaa Xadhig Kaaga Baahan, Dalkana Ka Qabo Dumarkan
Hargeysa(warsugannews):-siyaasiga Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Barkhad Jaamac Xirsi oo khadka telefanka ugu waramay shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa uu ka hadlay qorshayaasha lagu wareejinayo hantida dawladda ee dalka socda, waxaanu baaq u diray madaxweynaha somaliland.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ugu horayn ka hadlaya dad uu sheegay inay ku tumanayaan sumcada madaxweynaha iyo xaalada guud ee dalka ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waxaan salaamayaa shacabka somaliland gudo iyo dibadba meel ay joogaan, waxaan aad ula wadaagayaa murugada iyo muraara dilaaca qoysaska salaadiintoodii maxaabiista laga dhigay haday boqor Raabi tahay iyo haday Suldaan Sabayso tahayba, waxaan baaq u dirayaa madaxweynaha somaliland waxaan leeyahay madaxweyne mudadii aan kula shaqaynayey waxaan kugu aqaanay nin dulmiga neceb cadaaladana jecel, tacadiga dadka miisaanka iyo magaca dalka ku leh neceb, wanaaga iyo wada noolaashaha umadana jecel, intaasna waxa madaxwayne buriyey oo baabiiyey bar madawna taariikhdaada ku dhuftay shuftada taladii dalka maroorsatay, taariikhdaadii, magacaagii, maamuuskaagii, milgahahaagii,mujaahidnimadaadii waxa maanta tirtiray oo meel cidla ah dhigay waa inta aad nasteexa u haysato ee daalimiinta ah ee dalkan Duminaya” ayuu yidhi Siyaasiga Barkhad Jaamac Xirsi.

Waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuu taariikhdiisa badh qabto, waxaanu ka hadlay xadhiga xukuumadu u gaysatay madax dhaqameedka xidhan “Waxaan ku leeyahay madaxweyne taariikhdaada badh qabo, shuftadan dalka qasaysa ayaa u baahan inaad xabsi ku gurto oo umada aad ka qabato oo aad mandheera iyo jeelka weyn ee Hargeysa ku hubsato, salaadiintu xasaanad iyo xil umadeed ayey xanbaarsan yihiin ee xadhig iyo xabsi ma gayaan, sharci dhigayaa ma jiro iyada oo aan qofka waaran qabasho oo u xalaalaynaya xadhigiisa aanay bilayska wadan in ciidamo tababar khaas ah la siiyey oo dunidu tababartay oo loo tababaray la dagaalanka iyo ka hor taga aafooyinka argagixisadu inay suldaan dhan oo xasaanad iyo xil umadeed xanbaarsan intay gurigiisa ugu daataan xabsiga dhigaan hore iyo danbayso xukuumadaada mooyee lama hayo.”

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynaha somaliland ugu baaqay inuu dalka qabto dad uu sheegay inay iibinayaan hantidii danta guud ee umada ka dhaxaysay, waxaan u soo jeediyey inuu madaxweynuhu talada dalka iska dhiibo haddii aanu wadi Karin waxaanu mar kale yidhi “Madaxweyna waxaan ku leehayay umadan adiga ayaa madaxweyne u ah waxaad isticmaashaa awoodahahaaga dastuuriga ah, cida dalkan qasaysana waad garanaysaa kuraydan yar iyo haweenkan aad umada ku sii daysay ka qabo hadaad ka qaban waydana waxaad ogaataa waxa lagu kala socdaa waa haybada aad ku leedahay kuwii ku doortay ee milicda kuu taagnaa weeyaan kuwani kuwii ku karaameeyey ee kuu hiiliyey, waxaanad karaamada ku leedahay waa iyaga, hadaad amniga iyo kala danbaynta ilaalin waydo oo aad nidaamka dalka u hogaansami waydo oo shuftada adiga magacaaga dalka ku maxaafsanaysa ee adiga oo nool dekeda iibisay ee haamaha wareejinaysa, ee doonaya inay istaadyoonka iibiyaan ee adiga oo nool xera dhiigtii iibinaya ee adiga oo nool State House-kii oo gurigaaga 200 talaabo u jira iibinaya ee adiga oo nool mujaahidiintii banka cidlada ah kula seexanayey caruurtooda xabad Hargeysa lagula dhex dhacayo hortaadana lagu samaynayo waxbana aad ka qaban kari la dahay, waxaad ogaataa in iyagana bari suuqa lagu dhex bartilmaameedsan doono oo aad amniga dalka khal khal galinayso haddii aad talada dalka ku shaqayn waydo taadu socon mayso madaxweyne dalkana adiga ayaa madaxweyne ka ah ee laba miduun soo gal hadaad dalkan wax u qabanayso oo aad xilka wadi karaysana wad haddii kalana dadka amaanadooda u soo celi.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Siyaasiga Barkhad Jaamac Xirsi.

warsugannews

Hargeysa/Office

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here