Madaxweyne Siilaanyo: Hambalyo Askarta Naftooda Hurtay Ee Aad Dalac-siisay.

0
475
????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo: Hambalyo Askarta Naftooda Hurtay Ee Aad Dalac-siisay.

W/Q Khadar Cabdiraxmaan

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo abaal marin siiyey laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee Somaliland ayey hadal haynteedu noqotay mid saaka ilaa xalay lagu hadal hayey goobo badan oo siyaasada lagu gorfeeyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Somaliland intii uu madaxweynaha ka ahaa wuxuu muujiyey karti iyo dadaal dheeraad ah oo ku kas-banyo shacabkii soo doortay ee fartooda ugu hiiliyey iyo kuwa kale ee aan dooran ee uu maanta madaxweynaha u yahay.

Dhiiri-gelinta muuqata ee uu ka qaaday arrimaha ciidanka mid qoraal iyo qalin lagu soo koobi karo maaha waxaana marag ma-doon u ah dalacsiintii uu shalay dalacsiiyey laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska oo shacab dhibaatayn ka badbaaday biyo la tagi lahaa iyo dooxyo qaadi lahaa.

Labadii Askari ee naftooda u biimeeyey badbaadada shacabkooda wuxuu madaxweyne abaal uga dhigay in darajooyinka loo kordhiyo korna loo soo qaado waana mid ilaahay loogu mahad-naqo mar haddii madaxdii wadanku shaqaala hoosaadkii abaal marin la siinaayo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaan odhan lahaa madaxweyne go’aankaaga geesinimada leh ee aan gabashada iyo leex-leexadka lahayd hore ugu soco waana mid jabin doona cadaw badan oo xukuumada aad gadh-wadeenka ka tahay leedahay.

Go’aankii taakulaynta dadka abaartu ku habsatay ee lagu wada diirsaday madaxweyne waxaad raacisay mid kale oo taariikhda bogg cusub u furay waxaanad ku mutaysatay in lagugu majeerto nooc cusub oo ku soo biiray hogaanka dadka af-soomaaliga ku hadla.

Khadar Cabdiraxmaan
Khadarc16@gmail.com