Madaxweyne Siilaanyo Nelson Mandelaha 2aad ee Qaarada Africa.

0
358

Madaxweyne Siilaanyo Nelson Mandelaha 2aad ee Qaarada Africa.

10.11.2015 ayey ahayd markii uu Magaalada Hargeysa ka qabsoomay shirweynihii 5aad ee Xisbi xaakimka kulmiye, iyadoo shirkaasina lagu kala dooranaayey murashaxiinta Xisbiga ugu tartami doonta doorashada 2017 la filaayo inay dalka ka qabsoonto.

Madaxweyne siilaanyo oo hore u sheegay inuu yahay Murashax u taagan jagada Madaxweynenimo ee Doorashada 2017 oo ahayd Term kiisii labaad dadkuna aad ugu dheg taagayeen , dhawaaqa kazoo bixi doona maalinta shirweynaha taasoo si weyn ugu dheg taaagayeen shacabka Somaliland.

Madaxweyne siilaanyo ayaa markii uu kazoo xaadiray shirka waxaa lagu soo dhaweeyey macri foonka, waxaana uu halkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, islamarkaana uu kusoo qaatay taariikho iyo halgamo kala duwan oo uu soo maray, ugu danyntiina waxaa uu halkaasi ka sheegay inaay ahayn murashax u taagan Jagada Madaxweyne ee doorasahda soo socota sababeeyeyna ujeedada taasulkiisa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hore ugu caan geesinada iyo go,aan qaadashada ayaa ku sababeeyey ka tanaasulkiisa inuu doonayo inuu Madaxda dalka u noqdo tusaale fiican islamar ahaantaan aanu ahayn xukun jaceyl , balse uu muujiyey bisayl siyaasadeed, iyadoo tuusaale u ah , jiilka qaban doona hogaanka dalka si ay uga bad badbaadaan xukun jaceyl iyo kursi sii xejiso.

Md: Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaaya halyeygii labaad ee qaarada Africa shacabkiisu xili qudha doortaan islamarkaana xiliga labaad ka tanaasula isagoo xaq u leh uu fursad siiyo kuwii uu kusoo carbiyey siyaasada, waana guul taariikhiya oo lama ilaawaana isagoo noqday halyeygii labaad ee qaarada Africa yeelato, inta badan madaxda Africa ayaa ku caana kursi jaceylka islamarkaana dhiig badan u daadiya musuq badana u gala sidii ay usii xejisan lahaayeen, taariikhda iyo raadka uu ka tagay Madaxweyne siilaanyo waa dhaba cusub oo ku dayasho fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here