Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Soo Shaqo Taga Gurigiisa Gaarka Ah Ee Uu Dhawaan U Guuray

0
525

Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Soo Shaqo Taga Gurigiisa Gaarka Ah Ee Uu Dhawaan U Guuray

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo dhawaan ka guuray Qasriga Madaxtooyada, una guuray Gurigiisa gaarka ah, ayaa si joogto ah ugu soo shaqo taga Xafiiskiisa qasriga madaxtooyada ku yaalla, marka uu shaqada ka baxana waxa uu ku noqdaa ama ku rawaxaa gurigiisa, isagoo madaxweynuhu ka soo shaqo tagi doona inta ka hadhay xilwareejinta uu madaxweynuhu ku wareejin-doono Madaxweynaha shacbigu ay u soo doorteen inuu hoggaamiyo qaranka Somaliland Shanta Sanno ee soo socda, waa mudane Mudane Muuse Biixi Cabdiye.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo muddo todoba sano hoggaanka u hayey qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay shacbigu u doorteen inuu noqdo madaxweynaha bedeli doona madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Rayaale Kaahin, oo isaguna ahaa madaxweyne shacbigiisu doortay ayaa waxay taasi Somaliland u horseeday in uu noqdo qaran adduunku indho gaara ku eego, taariikh lama ilaawan ahna ku reebtay guud ahaan geeska afrika oo aanay weli ka dhicin tan oo kale, marka loo eego xilka qori isu dhiibka ah ee sababay in saddex madaxweyne oo shacbigu soo xushay ay hoggaanka isaga danbeeyaan.