Madaxweyne SOMALIY oo kulan deg deg ah isugu yeeray Beesha Caalamka iyo ……+SAWIRRO

0
455

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Gurmadka Abaaraha, Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha dalka ka jira.

Kulanka oo mudo saacado ah socday ayaa Madaxweynaha Soomaaliya dhinacyadan waxa uu kala hadlay sidii Abaaraha dalka ka jira si deg deg ah wax looga qaban lahaa, maadaama dad iyo duunyaba ay saameysay, loona baahan yahay in wax laga qabto inta aysan ku sii fidin, meelo cusub.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen, Waxaan u baahannahay waxqabad deg deg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto, Waxaan dowladaha saaxiibka ah ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixin ka dhageystay Guddiga Abaaraha iyo halka ay wax marayaan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadba ugu baaqay inay ka qayb qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah.

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan dadaalo ay wax uga qabanayaan Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya oo ah kuwo aad u daran, oo ay u dhinteen dad fara badan, kuwa kalena ay hada halis ugu jiraan dhimasho.