Madaxweyne Trump Oo Xaaskiisa Melania Arin La Yaableh Ku Sameeyey Markii Uu Tegeyay Aqalka Cad

0
392

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo lagu xanto

inuusan si wanaagsan ula dhaqmin haweenka ayaa wargeysyada caalamka waxa ay tooshka ku ifiyeen xilligii uu tegeyey Aqalka Cad inuu iloobay xaaskiisa Melania.

Image may contain: one or more people, people standing, car and outdoor

 

 

Trump ayaa markii gaadhigii uu saarnaa uu geeyay Aqalka Cad uu ka degey gaadhigii waxana uu si toos ah u aaday Madaxweynihii hore Obama iyo Xaaskiisa oo afaafka hore ee Aqalka Cad ku sugayay, halka ay xaaskiisa Melania oo sidey hadiyad ay la yaabtay.

Dad badan ayaa u maleeyay dareenka laga arki karay Obama iyo xaaskiisa Michelle markii ay arintan dhacaysay in ay ahayd mid ay aad ula yaabeen kuna noqotay afkala qaad ninkan iska soo socda oo xaaskiisa ugaga soo tegey gaariga.

Image may contain: 2 people, people standing

 

Waxaana taas ka sii daran markii uu Trump gudaha Aqalka Cad uu si toos ah u galay balse xaaskiisa ay soo wadeen Obama iyo Michelle.

 

Arrintan ayaa aad uga duwan sidii hore u dhici jirtey marka ay Madaxweynayaasha ay isu bedelayaan daarta looga arimiyo dalka Maraykanka ee Aqalka Cad.