Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Muranka Saami Qaybsiga Wakiillada ee Beeshiisa isu dhaafiyey Talo Qaran

0
395

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Muranka Saami Qaybsiga Wakiillada ee Beeshiisa isu dhaafiyey Talo Qaran

Hargaysa(Warsugannews)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta dalka ka ambabaxay. Weftiga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia ayaa socdaalkooda ku sheegay mid shaqo oo maalmo kooban qaadan doona.
SAYLICI2
Weftiga waxaa ka sii horeeyay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo u sii gogol xaadhayay wada hadal Somaliland iyo Ethiopia ka yeelan doonaan Mashruuca Coridor ee horumarinta dekedda Berbera, gaar ahaana Jidka Berbera iyo Addis Ababa isku xidhi doona.
“Aniga iyo wefti aanu hogaaminaynaa waxaanu maanta safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allah muddo kooban oo laba cisho ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo wasiiro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.
Madaxweyne xigeenka oo wax laga waydiiyay arrinta saami qaybsiga golaha wakiillada ee sababtay in mudaneyaasha gobolada Galbeed diidaan inay ka soo xaadiraan golaha wakiillada illaa saamigooda la kordhiyay waxa uu sheegay in arrintaasi tahay cabasho jirta oo talo qaran u baahan.
“Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin talo qaran u baahan, xildhibaannaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaamato iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.

warsugannews
Somaliland Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here