Madaxweyne Xigeenkii Hore Ee Puntland Oo Hargeysa Ka Sheegay Inaanu Ka Tanaasulin Mawqifkiisa Soomaaliweyn Una Sii Jeedo Puntland

0
586

Madaxweyne Xigeenkii Hore Ee Puntland Oo Hargeysa Ka Sheegay Inaanu Ka Tanaasulin Mawqifkiisa Soomaaliweyn Una Sii Jeedo Puntland

Cabdisamad Cali Shire Oo Muddooyinkii U Dambeeyay Hargeysa Ku Sugnaa Ayaa Dhawaan Kulan La Qaatay Musharraxa Waddani
Hargeysa(Warsugan) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugan magaalo madaxda dowlada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay inuu aamminsan yahay mawqifkiisa Puntland, islamarkaana dhawaan u socdaali doono dhinaca Puntland. Waxa uu sheegay inuu dalka Hindiya arrimo caafimaad uga soo laabtay, haddana uu nasiimo u joogo Hargeysa. Madaxweyne xigeenka hore ee Puntland ayaa ah siyaasi u dhashay gobolka Sool laakiin, rumaysan mabda’a Soomaaliweyn.

Cabdisamad waxaa maalmihii la soo dhaafay qado u sameeyay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Cabdisamad oo aan wali la hadal saxaafadda Somaliland ayaa khadka telefoonka ugu waramay warbaahinta Garooweonline oo fadhigeedu yahay Puntland, waxaanu beeniyay inuu Somaliland u joogo arrimo siyaasadeed “Aniga iyo rag kale qado waa na siiyay(Guddoomiye Cirro) isna rag kale ayaa la socday laakiin, wax qadadaas dhaafsan oo siyaasad ah oo aanu isla soo qaadnay haba yaraatee ma jirto,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore ee Puntland.

Madaxweyne xigeenka hore ee maamulka Puntland ayaa la waydiiyay sababta uu Hargeysa u joog, waxaanu ku jawaabay “Sidaad la socotaan caafimaad dibada ah ayaan ka imid, halka kanna(Hargeysa) nasiimo ayaan u joogaa laakiin, wax siyaasad ah haba yaraatee uma joogo,” ayuu yidhi Cabdisamad, waxaana la waydiiyay bal inuu Somaliland xilal siyaasi ah ka qabanayo iyo inuu ka tanaasulay mawqifkiisii uu kaga mid ahaa siyaasadda Puntland ama Soomaaliya “Haba ka yaabin, marnaba mawqifkaygii hore wax iska bedelayaa ma jiro. Anigu Hindiya ayaan ka imid, Addis Ababa ayaan soo maray, halkanna(Hargeysa) xogaa baan joogay, arrimo caafimaad baan u joogaa laakiin, haba yaraatee arrimo siyaasadeed uma joogo,” ayuu yidhi Cabdisamad Cali Shire.

Siyaasigan muddada ku sugnaa Hargeysa oo saxaafadda iyo bulshada Somaliland ka war haysay ayaa la filayay inuu ka tanaasulay mawqifkiisa Soomaaliya laakiin, hadalkan uu Hargeysa kaga dhawaaqay ayaa muujinaya inuu wali ku dheggan yahay go’aankiisa hore. Siyaasiyiinta fikirka Soomaali weyn aamminsan ayaa ka mamnuuc ah Somaliland laakiin, waxaa muuqata in muddooyinkii u dambeeyay uu dabcay hannaanka isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya.
Xigasho Wargeyska Warsugan