Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi oo kashifay Arin Culus Oo Ku Saabsan Soomaaliya

0
650

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi oo kashifay Arin Culus Oo Ku Saabsan Soomaaliya

Daniel Arab Moi oo ka hadlayey Jaamacadda Difaaca ee Maraykanka (The American Defence University) oo ku taalla magaalladda Washington DC ayaa sheegay in mid ka mid ah caqabadaha hortaagan Dadaalka Nabadda Somalia inay tahay iyado oay Dowladaha Gobalka rumeysan yihiin haddii ay Somalia cagaheeda isku taagto ay dib u soo xusuusan doonaan waxa uu ugu yeeray Riyadda Somali-weyn.

Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Dalalka deriska la ah Somalia ka baqanayaan Dib-u-mideynta Somalia iyo Somali hodan ah mar kale horseedo sheegashadda Xuduudaha ka maqan Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi waxa uu Khudbad-sharafeedka lagu casuumay inuu ka jeediyo Jamaacadda (The American Defence University) ku xusay in Waddanka Jamhuuriyadda Somalia markii uu madax-bannanida helay ay sheegeen inay ka maqan yihiin dhulal, sida qeybo ka mid ah Kenya, Ethiopia iyo dalka Djibouti, isla markaana ay bilaabeen dagaal ay ku doonayaan inay Soomaalida ku xaqiijiyaan Ra’yigaasi.

Hadalka Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, ayaa waxay markhaati u tahay Istaraatijiyadda Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ka leeyihiin Deganaansho La’aanta Somalia iyo inaysan dib u curanin Somali Mideysan, waxayna Dowladahaasi u ololeynayaan inay Somalia noqoto dal ay kala maamulaan Maamul-gobaleedyo kala aragti ah.

Kumanaanka Ciiddanka Ethiopia iyo Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa waxaa iyagana laga dareemayaa kuwo ku hawlgala Istaraatijiyad Qarsoon iyo Hagardaamaynta Midnimadda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here