Madaxweynihii hore ee Gambia oo faarujiyay khasnaddii dowladda, lana baxsaday 11.4 milyan oo dollar

0
285

Lacag lagu sheegay 11 milyan iyo bar oo doollar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la’yahay ka dib markii uu dalka isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwaynaha cusub Adama Barrow.

Mai Ahmad Fatty ayaa sheegay in khuburo dhanka dhaqaalaha ah ay qiimaynayaan kharashka rasmiga ah ee dalka ka maqan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Chad ay qaaday maalmihii u dambeeyay gawaari raaxo iyo alaabo kale kuwaas oo uu lahaa madaxweynaha baxay ee Yahaya Jammeh.

Gawaarida raaxada iyo alaabo kale ayaa la saaray diyaarad xamuul ii Chad laga leeyahay isla habeenkii uu Jammeh dalka ka baxay.

Jammeh ayaa dalkaas isaga tagay Sabtidii, isaga oo soo afjaray 22 sano oo uu xilka hayay, wuxuuna aqbalay natiijadii doorashada laakiin wuxuu dalka kaga baxay wada xaajood ay sameeyeen madaxda dalalka gobolkaas iyo hanjabaado ku aadan in ay milatarigooda u diri doonaan haddii uu xal kale diido.

Madaxwayne Barrow ayaa wali ku sugan dalka ay dariska yihiin ee Senegal mana cadda wakhtiga uu soo laaban doono.

Si kastaba ciidammada Galbeedka Afrika ayaa galay magaalada caasimadda u ah Gambia ee Banjul Sabtidii si ay u diyaariyaan imaanshihiisa.

Dad damaashaadaya oo isku aruursaday bannaanka madaxtooyada ayaa soo dhaweeyay markii ay ciidammadaasi galayeen dhismaha.