Madaxweynihii Sadexaad Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Soo Laabatay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
487

Madaxweynihii Sadexaad Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Soo Laabatay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

“Madaxweyne Daahir Rayaale Waxaannu Ku Soo Marti-Qaadnay Xaflada Caleemo Saarka Iyo Xil-Wareejinta Labada Madaxweyne Ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hargeysa ( wsn) Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweyne Rayaale ayaa waxa uu ka qayb-gali doonaa munaasibada caleemo saarka Madaxweynaha Shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee ay soo doorteen shacbiga Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ka dhici doonta dalka, sida uu sheegay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuulyiin madaarka ku qabailey Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Wasiir Xaashi oo saxaafadda kula hadlay qolka VIP-da madaarka Cigaal ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale ku tilmaamay inuu ahaa madaxweynihii taabo-galiyey nidaamka dumuquraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah ee dalka waxaannu yidhi “ Saaka waxa halkan farxad weyn noo ah in masuuliyiintaydan kala duwani qolka nasashada madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aannu ku soo dhawayno Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad Aadan.”

“Madaxweyne Daahir Rayaale waxaannu ku soo marti-qaadnay xaflada caleemo saarka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweynaha la doortay md Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, inuu nagala soo qayb-galo, waayo waa Madaxweynihii ku suntanaa geedi-socodka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah.”
Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena xusay in Mudane Daahir Rayaale uu ka hadli doono munaasibada caleemo saarka Madaxweynaha cusub waxaanu yidhi “ Waxay ay muujinaysaa sawir qarankan sumcad ugu suntan oo ah laba Madaxweyne oo xilkii ka degay iyo kii sadexaad oo la wareegaya oo madashaa fadhiyi doona, muuqaal weyn ayey qarankan ka muujinaysaa oo dunida kale maanta nasiibkaa aanay haysan, wixii hadal ah ee uu odhan doono, waxa madaxda kale odhan doonto iyo munaasibadaa muuqaalkeeda maalintaas ayeynu ka war sugaynaa.”

Madaxweyne Daahir Rayaale oo isaguna ujeedada socdaalkiisa ka hadlay ayaa yidhi “ Salaan weyn ayaa halkan shacabka ugu gudbinayaa, waxaanan u imid in aan ka qayb galo haduu Alle yidhaahdo xaflada madaxweynihii aniga i bedelay iyo madaxweynihii ka dambeeyey ay xilka kula kala wareegayaan, taas oo laygu marti qaaday.” Ayuu yidhi Mudane Rayaale.
Wa-bilaahi Tawfiiq