“Madaxweynuhu Waxa Uu Awood U Leeyahay Inuu Kala Diro Golaha Wakiilladda Iska Daa Xeere”

0
443

“Madaxweynuhu Waxa Uu Awood U Leeyahay Inuu Kala Diro Golaha Wakiilladda Iska Daa Xeere”

“Cirro Waxaan Leeyahay Ka Fiirso Inta Aanad Wax Falin, Sababtoo Ah Beentaada Hore Runtaada Dambe Ayay U Daran Tahay’ Xildhibaan Maxamed JaamacXildhibaan maxamed Jaamac cali

Hargeysa (WARSUGANNEWS):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay guddoomiye Cirro oo uu ku sheegayo in aanu madaxweyne Siilaanyo soo celin Karin go’aankaa Golaha wakiiladdu ku laalay wareejinta Kaydka haamaha shiidaalka ee maaaladda Berbera.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo awood u leeyahay inuu dib ugu soo celiyo Golaha Wakiiladdu xeerarka iyo go’aamadda ay gaadhaan, isla markaana uu kala diri karo golaha uu guddoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cirro.
“Madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay inuu soo celiyo, wax ka bedal-na ku sameeyo iyo inuu u dirro maxkamadda sare, xaq ayuu u leeyahay inuu ansixiyo inuu golaha wakiilada ku soo celiyo xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiiladda, markaa uu ku qanci waayo qodobbada loo adeegsaday xeerarkaas ee ka soo baxay goleyaasha,”ayuu yidhi Xidlhibaan Maxamed Jaamac.

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Sidaa darteed mashruuc sharci oo Golaha Wakiiladda ka soo baxa ama mara Golaha wakiilladda ee ku baxa aqlabiyadda, madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay inuu u gudbiyo maxkamadda sare ee dastuuriga ah. Sida hore u dhacday markii Golaha Wakiilada la soo dooranayay wakhtigii Daahir Rayaale, waxa golahu soo saaray in dib loo dhigo doorashadooda inta diiwaan-galin dalka laga qabanayo madaxweyna Daahir Rayaale waxa uu laalay oo uu u gudbiyay maxkamadda sare qodobkaas maxkamadduna waxa ay soo saartay in aan dib loo dhigi Karin doorashadooda.
Go’aankii Golaha Wakiiladda ee ay ku laaleen in shirkado lagu wareejiyo haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera, waxa ay ahayd in uu Goluhu codsado in heshiiska la soo dhammeeyo oo Golaha la keeno oo la eego in uu dadka faa’iido u leeyahay, laakiin nasiib darro Goluhu isaga oo aan dhex-galin oo sugin heshiiska Golaha la hor keeni doono ee shirkado lala galay ayuu laalay.”

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay inuu ka xun yahay in shirkaddo maxali ah markii la ogaaday in haamaha laga kiraynayo ay xildhibaanadu ka xumaadeen, waxaanu yidhi “Waxa nasiib darro ah oo ayaan darro ah, iyadoo dhawr iyo labaatankaa sanno ku jirtay Somaliland heshiisyo lala geli jiray shirkaddo ajanabi ah oo ay maanta ay tahay markii u horraysay ee heshiis lala galo shirkado waddaniya in la diido.

Nasiib darose waxa ah markii ay yimaadeen shirkaddo buuxin kara inay la wareegaan haamaha kaydka shidaalka ee Berbera oo ah dad muwaadiniin ah in baronbagaando la abuuro oo la yidhaahdo waa reer hebel iyo cid baa naasnuujin loogu samaynayaa, markii hore ma Total ayaa lagu naasnuujinayay, arrinkaas waxa aanu qabnaa inuu yahay mid aan habboonayn, dadka muwaadiniinta ahna ee doonaya inay dalka maalgashadaana niyad jab ku keenaya, mudanayaasha Golaha wakiiladda waxa aan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan ajaanibka ay tix-gelinayaan.”

Xildhibaan Maxamed Jaamac waxa uu u soo jeediyay guddoomiye Cirro inuu ka waantoobo hadalada wax u dhimaya xilka uu hayo ee guddoomiyaha wakiiladda waxaana uu yidhi “Guddoomiye Cirro waxa aan leeyahay waxa aad tahay ninkii saddexaad ee qaranka ahna nin musharax ah oo xisbi haysta ,waxa aan leeyahay wax baa kaaga dhacaya in aad tidhaahdo madaxweynuhu ma soo celin karo go’aankaa Golaha wakiiladda, waxaana aan leeyahay Cirro ka fiirso inta aanad wax falin. Sababtoo ah beentaada hore runtaada dambe ayay u daran tahay. Cirro waxa uu lahaa markii Golaha Wakiiladu isku haystay xeer hoosaadka Golaha waxa uu lahaa maxkamaddu kama qarniqi doonto.

Waana ayaan darro maalinta uu wax doonayana in uu ku ordo maxkamadda sare, maalinta wax loo qabsadana diido, markii lasku qabsaday muddo kordhintiina waxa uu yidhi maxkamadda ayaan tagayaa, waxaana u fiican inuu sharciga ku kalsoonaado mana aha maalinba sida aan doono wax ha noqdaan waxa aan leeyahay madaxweynaha yaan karaamadiisa meel lagaga dhicin, haddii madaxweynuhu saxeexi waayo go’aankaa golaha Ciro ma isagaa saxeexaya oo awooda madaxweynaha tahay in uu soo celiyo meel kastana dastuurka kaga yaalo.”

Mudane Maxamed Jaamac waxa kale oo uu intaa ku dooday “Haddaba adigu saxeexo oo xafiiskaaga Waddani dhigo in aad indhaha iska rido maaha oo warbaahinta barobagaando ka sheegto, Sidaa darteed, waa waxba kama jiraan hadalkaa Cirro waxaana uu baal-marsan yahay sharciga dalka u yaalla.

Madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay inuu kala diro golaha wakiiladda ee Cirro guddoomiyaha ka yahay iska daa xeer ay soo saareene oo ay tahay awoodihiisa, waxa aan leeyahay Cirro wixiisu waa indho la’aan indho la’aan ha ku socon ayaan leeyahay.”

Xigasho Somaliland.Org/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here