Magaalada Moqadisho oo Bila Internet Ila Saaka Taagan Iyo Shaqadi oo Istaagtay.

0
348
Magaalada Moqadisho oo Bila Internet Ila Saaka Taagan Iyo Shaqadi oo Istaagtay. Xalay ayaa waxaa magaaladda Muqdisho laga dareemayey baahida dhinaca Adeegga Internet-ka, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay dhamaan Xafiisyadda Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadaha Khaaska, Xarumaha Xawaaladaha iyo dhamaan dadka macaamilka la ah Adeeggaasi oo dhan .

Shirkadaha ugu waa wayn Dalka Soomalaida Sida Shirakadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah Shirkadaha bixiya Adeegga Internet-ka, ayaa Xalay Farriimo SMS u kala dirtay Macaamiishooda, oo ay ku wargelisay in hawl horumarin lagu samayn doono Khadka Internetka iyo inuu Adeegaasi hawada ka maqnaan doonto laga bilaabo 09:00 Fiidnimo ilaa 04:00 Habeenimo ee xalay.

Laakin Taasi ma aysan Dhicin oo waxaa la dhaafay xilligii ay sheegeen inay ku hagaajin doonaan Adeega Internetka, hasa ahaatee adeega Internetka ayaa goortdhaw dib ugu soo laabtay, waxa ayna dadku bilaabeen in ay adeegsadana si howlhaooda shaqo ugu fududaato.

Dhanka kale Warar la isla dhax marayo Magaalada oo ku aadan sababta Internetka loo waayayb ayaa sheegayo in Shirkadda DELCOM ee bixisa Khadadka Internet-ka ee laga isticmaalo guud ahaan Somalia iyo dalalka deriska ay soo wajahday Cillad Farsamo ee Xarkadaha Internet-ka ee Badda hoostooda la soo marsiiyey.

Sidoo kale Shaqaaalaha Shirkadaha bixiya Adeegyadda Internet-ka ayaa dadaal u galay sidii ay macaamiishooda u qancin lahaayeen Internet la’aanta , inkastoo aysan si cad u sheegi karin halka cilladdu ka timid iyo Sababaha kenay Ciladaas.