Magacyada Wasiirro Isha Dabaya OO Salabe U Qaatay Dhaxal-wareejinta Ammaanadii Qaranka, Shaqadii Qarankana Ka Door-biday Hurinta Khilaaf Gacan Ku Rimis Ah

0
370

Magacyada Wasiirro Isha Dabaya OO Salabe U Qaatay Dhaxal-wareejinta Ammaanadii Qaranka, Shaqadii Qarankana Ka Door-biday Hurinta Khilaaf Gacan Ku Rimis Ah

Waxa Mus-dambeed u ah oo Talada Kasoo Qaataan Sheekh Xaallad Gagab Ah Ku Jira Oo U Cumaamadan Han Madaxnimo

Hargeysa:(Warsugannews)-Wasiirro tiro badan oo katirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ku Hawllan mijo-xaabinta iyo madaluffinta Xisbiga ay katirsan yihiin ee Kulmiye, kuwaas oo madaxweynahana u muujiya inay kula midaysan yihiin Horumarka uu doonayo inuu dalka Ku hoggaamiyo.

Xubnahan katirsan Golaha Wasiirrada, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey u ban baxay kala daadinta Xisbiga Talada haya oo dhawaan u ballansan shirweynihiisii shanaad ee Golaha dhexe, waxana iyagoo ka talo qaadanaya Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ay go’aansadeen inay burburinta Xisbiga Kulmiye Door weyn ka qaataan xilli ay xilalkii Qaranka ugu muhiimsanaa u hayaan Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ahaa Aasaasihii dhidibada u taagan Xisbigan.

Xubnahan oo tiradoodu tahay 11 wasiir iyo wasiir-ku-xigeenno ayaa kala ah:

wasiirro

Wasiiru-dawlaha wasaaradda madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees
Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Md. Cali Cabdi Saa’iq
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan
Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta Md. Cali Saciid Reygal
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dejinta Marwo Nimco Xuseen Qawedhan
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal [Sakaaro]
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Md. Bashiir Cabdi Xariir
Wasiirka Wasaarada Caddaaladda Md. Xuseen axmed Caydiid

Xubnahan Wasiirrada ah oo madaxweynaha tusa weji wada-shaqayneed iyo daacadnimo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey lugaha kula jirey khilaaf Gacan-ku-rimis ah oo Xisbiga Kulmiye garabyo is haya looga dhigayo, waxana iyagoo Mudane Samaale Talooyinkiisa raacaya ay Geed dheer iyo mid gaabanba u saaran yihiin sidii uu xisbigu u burburi lahaa, isla-markaana Tacabkii madaxweyne Siilaanyo oo Muddada dheer soo jirey looga dhigi lahaa Hal bacaad lagu lisay.

Wasiirradan oo dhammaantood ka arradan yihiin Han madaxtinimo, isla-markaana xambaarsan Fikir iyo aragtiyo siyaasiyiin kale oo aan iyaga ahayn, ayaa shirar-doceedyo ma dhalays ah Hutellada waaweyn ee Caasimadda isaga dab qaadayey ayaamihii ugu dambeeyey, waxana wali aan u suurtogelin shirqoollo tiro badan oo ay Taariikhda suuban ee Madaxweynaha qaranka ku wiiqayaan.

Wadaadka Talada Wasiirradani ku Hawlgalaan soo jaan gooya oo ah Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna Musharrax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, Ayaan marnaba ka damqan qoonta iyo taariikh xumada lagu shaambadaynayo taxanihii waxqabad iyo kii horumarineed ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay wakhti badan siyaasadda saaxiib isku dhaw kusoo wada ahaayeen, waxase kaliya u cad inay gaadhaan Hankooda ah in Xisbiga ay Burburinayaan Haddii aan loo yeelin Dalabyo aan cilmi ku dhisnayn oo ay Badka hore usoo dhigeen.

Maanta oo sabti ah ayaa Kooxdan uu hoggaamiyo Ex. Wasiir Samaale waxa ay Hutel Mansoor ku leeyiin Qado-sharaf loo qabanayo xubno Bulshada ka mid ah oo tiradooda lagu sheegay 200-xubnood, iyadoo casuumaddaasna uu sameeyey Cabdicasiis Samaale, waxana Dadka lala kulmi doona lagu adkayn doonaa inay qabtooda ka qaataan Burburinta Xisbiga Kulmiye, maadaama ay ka dhex waayeen Wixii ay ka filayeen oo taageero ahayd.

Wasiirrada shirqoolka Kulmiye ku Hawllan oo aan ka qarsanayn Madaxweynihii shaqada u igmaday, isla-markaana tacabkiisa geliyey Xisbiga ay baabi’inayaan, ayaa Yoolkoodu yahay in dhibaatadooda la wada arko, intaas kadibna ladqabo loogu oggolaado shuruudaha jaban ee ay lasoo shir tageen oo haatan diidmo xoogan kala kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo haatan Halkii madaxweynaha fadhiya.

Fidmada ay Kooxda Tacabka Madaxweynaha kusoo duushay Wadaan, ayaa sidoo kale wax aka warqaba shacabka samaha jecel ee Dimuqraaddiyada hadhsada, waxase ay madaxweynaha ka filayaan inuu tallaabo ka qaado marka uu soo dhamaysto safarkiisa dibadda, maadaama oo ay mijo-xaabinayaan dedaalkiisii dheeraa ee taariikhiga ahaa.

Ma aha wax taariikhda Somaliland iyo midda umadda Dimuqraaddiyada ku caano maasha soo martay in Wasiirro xilal hayaa si cad ugu badheedhaan Duminta iyo kala dhantaalidda Tacabka Madaweynihii xilka u igmaday oo Xay ah, balse waa wax haatan cusub oo u baahan in la raadiyo xalkii lagu furdaamin lahaa iyo daawadii lagula dagaallami lahaa Cudurkan Heeryocunnimada ah.

Dhinaca kale waxa si habsami ah u socda Hawlaha shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana awooddiisa distoorka Xisbigu siiyey ku maamulaya Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi, halka kooxdani wali dibad-wareeg ku yihiin Huteelada Waaweyn ee Caasimadda.

Xigasho Wargeyska Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here