Malaga Yaabaa Shakhsiyaadkii Horumarka Necbaa Inay Bilaabaan Carqaladaynta Dedaalka Maayarka Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa

0
340

Malaga Yaabaa Shakhsiyaadkii Horumarka Necbaa Inay Bilaabaan Carqaladaynta Dedaalka Maayarka Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Maalintii shalay waxay aniga ii ahayd Maalin rajo badan aan dareemay, kadib mar aan booqday goobtii uu hore u ahaan jiray Kaantaroolka galbeedka Hargeysa, halkaas oo aan kula kulmay dhismaha jidkeeda oo socda, waan ku dheygagay, waxaana I gashay yididiilo aan qosol iyo farxad kala joojin waayey anigoo keligay ahaa.

Kamaan war-qabine waxaan ogaaday in toddobaadkan si rasmi ah uu u bilaabmay dhismaha jidadka casriga ah ee ay dawladda hoose ee Hargeysa oo uu hoggaaminayo Maayarka da’yar ee Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), dib ugu dhisayso jidadka waaweyn ee halbowlaha u ah Caasimadda Hargeysa, iyadoo adeegsannaysa Wershadda Asphalt Plant-ka ah ee ay malaayiinka doollar ku soo iibsatay, taas oo noqotay wershadii ugu horeysay ee ay dawlad Somaliland ahi yeelato.

Runtii waxaan u soo laabtay hadal uu hore Maayarka caasimadda Hargeysa u yidhi oo ahaa golahayaga deegaanka Hargeysa, waxay noqon doonaan kuwii ugu waxqabadka badnaa, waayo, waxaa ii muuqatay in durba ay dawladda hoose iyo golaha deegaanka Hargeysa bilaabeen horumakii ay ku taamayeen iyagoo haysta hadda wershad aan dalkaba dawlad hoose oo haysataa jirin. Waxay hadda taasi u horseedi kartaa inay jidadka magaalada ka wada dhigaan kuwa casriga ah ee loo yaqaan “asphalt” ee aan xusuusto in wakhti jidka Madaxtooyadda hormara lagu dhisay lacag lagu qiyaaasay in ka badan malyuun doollar, maadaama wershadii keli ahayd oo gaar loo lahaa sicirka ay halkii kiiloo mitir ku dhigaysay uu ahaa 150,000 (boqol iyo konton kun oo doollar).

Waxa igu maqaalo ah oo markii aan shalay halkaas booqday aan dadkii iyo shaqaalihii goobtaas ka shaqaynayey ii sheegeen in toddobaadka soo socdana la bilaabay jidka halbowlaha ah ee ka bilaabma saldhigga dhexe ee Hargeysa ilaa Madaarka Cigaal International, kadibna jidka labaad ee Cusbitaalka Guud daba mara, sidaasna looga sii gudbi doono jidadka kale ee halbowlaha ah.

Haddaba, anigoo ka mid ah dadka u dhashay, ku barbaaray, wax ku bartay magaalada Hargeysa, una diyaarka ah ee inay garab istaagaan cid kastoo caasimadda iyo dalka Somaliland-ba wax u qabanaysa, waxaan hambalyo u dirayaa Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), xildhibaanada Golaha deegaanka iyo madaxda iyo shaqaalaha kale ee dawladda hoose ee Hargeysa, anigoo kal iyo laab ugu hambalyeynaya waxqabadka iyo dedaalka ay ugu heelan yihiin wixii loo soo doortay.

Hase yeeshee soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Baadida Nin Baa Kula Dayi Daalna Kaa Badine oo Inaad Hesho Doonayn Daa’in Abidkaaye”, waxaa jiray oo dad xog-ogaal ahi ii sheegeen in wakhtigii Maayarka Caasimaddu qorshaynayey isla markaana golaha deegaanka Hargeysa u soo bandhigay in uu doonayo in wershaddaas “Asphalt Plant’ soo iibsadaan si ay ugaga marmaan kharashka faraha badan ee kaga baxaya kabkabka waddooyinka, iyo qaaliga jidadka casriga ah ee boqol iyo konton kun ee doollar halkii kiiloo mitir loogu dhigayo, waxaa jiray Xildhibaano golaha deegaanka ka tirsanaa oo ka soo horjeestay, kuwaas oo wakhti badan ay ku qaadatay Maayarka Hargeysa inuu ku qanciyo, iyadoo markii dambe xataa buuq ka abuuray fadhigii lagu ansixinayey, balse markii dambe arkay in go’aan geesinimo uu ahaa go’aankii uu Maayarku arrintaas ku waajahay, isla markaana taageeray.

Sidaas oo ay tahay, waxaa durba aan maqlayaa kooxo yar oo xildhibaanadaas ka mid ahi ay doonayaan inay xag-xagasho ku bilaabaan Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka, oo ay ka mashquuliyaan hawsha baaxadda leh ee ay maalmahan ku jiraan, kuwaas oo aan odhan karo waa kuwo horumarka neceb oo ka faa’iidaysta wakhtiyada ay saaxiibadooda hawsha gacanta ku hayaa ku mashquulsan yihiin hawlaha horumarinta caasimadda, waxaanay jecelyihiin in wakhtigu ku lumo isqabqabsi gole oo aynu ognahay in Maayar Soltelco ku guulaystay inuu ka badbaadiyo golihiisa muddadii la soo doortay, iyadoo aan inta badan la maqal is-qabqabsi dhexdooda ah sidii golihii ka horeeyay ama goleyaasha kale ee degmooyinka dalka.

Ma aaminsani waanan ka soo horjeedaa in dadka dalka iyo dadka wax u qabanaya lagu carqaladeeyo danno shakhsi iyo hebel ku xumee, waxaana bulshadeena wakhtiyada dambe ku soo badanaya in qof wax qabanaya laga masuugo oo la marmariyo wax aanu geysan si loo carqaladeeyo dedaalkiisa, taas oo ah calaamadaha xasadka ee dunidan aakhiro sabanka ah ku soo badanaya.

Haddaba, anigoo dadka horumarka caasimadda jecel ka mid ah waxaan u soo jeediyaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dalka iyo caasimadda jecel horumarkeedu, wakhtigani maaha wakhtigii masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa lagu mashquulin lahaa wax kale, balse waa wakhti muddan in la garab istaago Maayarka, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenada kale ee horumarka caasimadda loo igmaday, taas oo u horseedi doonta in golaha deegaanka Hargeysa ee wakhtigani noqdo mid taariikhda caasimadda Somaliland baal dahab ah ka gala, xildhibaan iyo masuul kasta oo dawladda hoose ka mid ahina ku suntanaan doono.

Wa Bilaahi Towfiiq

Jaamac Yuusuf Odowaa (Waayeel)

Hargeysa, Somaliland

Josephjama99@gmail.com