Man United oo mushaar qaali ah soo hordhigaysa Antoine Griezmann

0
325

Kooxda Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa weerar yahanka reer France ee Antoine Griezmann sida ay baahisay The Sun.

Griezmann ayaa ah dooqa koowaad ee tababare Mourinho uu ka doonayo suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kan, kooxda ayaana doonaysa inay ku soo xerogaliso qiimo la mid ah kii ay ku soo qaadatay Pogba xaggaagii hore.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Manchester United ay diyaar ula tahay Antoine Griezmann mushaar dhan 220 kun oo Ginni isbuucii si uu ugu soo dhaqaaqo Old Trafford.Manchester United ayaa isbuucaan la fariisan doonta wakiilo ka socda laacibka reer France si ay ugala heshiiso shuruuda gaarka ah.