Maraykanka oo ku qiyaasay inay dileen 50,000 oo Xarakada Islamic State

0
380

Millatariga Maraykanka ayaa aaminsan in qaar ka mid ah 50,000 oo Xarakada Islamic State lagu dilay weerarada tan iyo markii uu bilawday duulaanka Maraykanka ee dagaalka kula jira kooxda in ka badan laba sano, sida uu sheegay sarkaal sare oo militariga Maraykanka khamiisti, waxa uu ugu yeeray “qiyaasta muxaafidka ah.

” Sarkaalka , oo la hadlay wariyaasha Pentagon oo magaciisa dalbaday in la qariyo, ayaa sheegay in tiradaasi ay muujinayso sida Maraykanka uu ugu guulaysanayo la dagaalanka kooxda ee weerarada cirka isbahaysiga Maraykanka hoggaaminayo iyo ciidamada kooban ee Maraykanka dhulka ku sugan oo taageerayo ciidamada maxalliga ah.