Mareykanka oo sheegay in Ruushku halis weyn ku yahay danaha iyo siyaasadda Mareykanka

0
360

Madaxda hay’addaha sirdoonka Maraykanka ee (NSA) James Clapper ayaa Khamiistii shalay aheyd wax laga weydiiyay in caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in Ruusku uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee bishii November ka dhacday dalka Maraykanka

Masuulkan ayaa sheegay in dowladda ruushku ay halis weyn ku tahay danaha iyo siyaasadda dowladda Mareykanka.

James Clapper, agaasimaha sirdoonka qaranka ayaa sheegay in Ruushku uu horay u farageliyay doorashooyinkooda, iyo kuwo kaleba, laakiin wuxuu sheegay inaanay hore u arkin ololahan tooska ah ee ay ku faragaliyeen geedi-socodka doorashada, ee ay ku sameeyeen doorashada Maraykanka.

Mr. Clapper waxa uu sheegay in aysan caddeyn karin in faragelintaas ay caawisay guusha Donald Trump uu ka gaaray madaxtinimada Maraykanka.

Hadalka madaxda sirdoonka ayaa ka hor-imanaya dhaliilaha madaxweynaha la doortay ee Donald Trump oo isagu dhaliilsan soo jeedinta sirdoonka Maraykanka ee ku aadan in xukuumadda Moscow ay doorashada faragelisay.