Mario Balotelli oo garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan saddex kulan

0
368

waaxa qoreya yaasir br

Naadiga Nice ee hogaamineysa horyaalka Ligue 1 dalka Faransiiska ayaa waayi doonta dhaliyaheeda Mario Balotelli ugu yaraan saddex kulan sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxdaasi ee Lucien Favre.

Mario ayaa waxaa tababarka kooxda ka soo gaaray dhaawac kubka ah usbuucan.

“Ma joogi doono saddexda kulan ee xigta 10-ka maalmoodo ee soo socota.”. tababare Favre ayaa sidaa u sheegay web-ka

Kulamada ku xiga, weli ma aynaan ogaan.”.

Taa ayaa la micno ah in Balotelli uu seegi doono kulanka ay  berito garoonkooda kula ciyaari doonaan Bastia, kulanka ay u safri doonaan En Avant Guingamp iyo waliba kulanka ay marti galin doonaan kooxda Toulouse.

Aqbaartan ayaa dhabar jab ku ah kooxda Nice oo hogaanka saddex dhibcood uga heysa Monaco iyo PSG maadaama uu Mario ku jiray qaab ciyaareed aad u wacan tan iyo sidii uu ugu soo biiray kooxda reer France.