BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)

MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO
(W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho
Waa qoraal kooban oo aan akhristayaasha kula wadaagayo dareekayga ku wajahan arimaha iyo dareenada kasoo cusboonaaday Wareejintii Maamulka Marsada Berbera ee maalmahan taagan.
SAWIRKA INOO MUUQDA
Golaheena Wakiiladu wuxuu ansixiyay isfaham laba dhinac (MoU) wada saxiixeen waa waa Xukuumaddeena iyo DPW.

Saldhig Milateri (Military base) isna warkiisa waa socdaa.
Somalia kuma faraxsana arintan, sidaynu warbaahinta kala socnay, siiba Saldhigga.
Dad muwaadiniin Somaliland ah oo mudaharaado dhigay/dhigayaana waa jiraan oo dibadda ka dhaqdhaqaaqaya.
Haldoorka Somaliland (Somaliland Elite) waa ku kala qaybsanyihiin fikirka, siiba saldhiga.
Shaqaale badan oo la yidhi waa laga tegay waa la sheegay. Shaqaalihii intii la qaatay lafteeda oo iyana mudaharaaado iyo shaqo joojin ku dhaqaaqayna waynu arkaynaa.
Su’aalo dhowr ah oo muhiim ah oo aan jawaabo loo haynin ilaa imika iyana way jiraan ama cid walibana siday doonayso ama aaminsantahay uun ay uga falceleinayso/jawaabayso.
Intaa haddan sawirka ina horyaala ku dhaafo, aan u gudbo bal meesha aynu ka qodax qaadanay ama arinta shaqaaluhu ka demi la’dahay.
MAXAA KHALDAMAY
Waxa khaldamay wax kale maaha. Dekadda dadka ka dheefsan jiray waxa loo arkay inay Shaqaale yihiin. Su’aashu se waxa weeye magaca “Shaqaale” sax ma ku yahay in lagu cabiro. Waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo haddaa maxaa kale lagu sheegi lahaa. Waa run ma jiro wax kale oo lagu tilmaai karo oo aan ahayn inay Shaqaale Dawladeed yihiin ama Shaqaale kale oo iskood u xamaashaba.

Aan dib kuu yaraceliyo taariikhda e, sidii wadanka looga eryay ina Siyaad Barre, Dekadda Berbera weligeed shaqaalaysiini kama dhicin (in essence), balse waxa ka dhacay wax la yidhaahdo Abaabul-Kasaar “Demobilisation”. Macnaheedu yahay waxa laga shaqaalaysiiyay dad badan oo ahaan jiray dadkii dagaaladii dalka ka dhacay kasoo qayb qaatay (War Veterans). Waxaa kaloo jirta in aan dadkaas weligood loo sheegin noloshu way isbedelaysaaye xirfado iyo aqoon korodhsi baad u baahantihiin, runtii weligoodna looma diyaarin barnaamijyo noocas ah, cid kastaaba eedeeda ha lahaato e.

Waxaa kale oo aan dareensanahay inaan DPW weligeed loo sheegin dadkani ama shaqaalahani, ninba siduu u yaqaano, nooca ay yihiin, filashadoodu (expectations) waxay yihiin. Iyana (DPW) waxay la yimaadeen uun nidaamkii qiimaynta shaqaalaha ee caadiga ahaa (performance management, skills/competencies assessment). Iyagoo raacaya nidaamkii ay Djibouti kula wareegeen. Runtii taasina sax mawada aha waayo labada deegaan (Contexts) baa kala duwan. Dad shaqaale caadiya soo ahaa iyo kuwo dagaalo kasoo doogay ama kasoo qayb qaatay oo meesha lagu abaabul ka saaray bay kala ahaayeen. Waxaan dareensanahy in aanay DPW qiimayn (Risk management assessment) sax ah samayn, ee shaqaale shaqadu ka dhamaanayso iyo kuwo la qorayo uun habkeedii la maray (Termination & recruitment process).

MAXAA XAL AH
Xalku waa fudud yahay. Meesha waxa hore uga dhacay sidaan kor ku sheegayaba Abaabul-Kasaar (Demobilisation), imikana waxa keliya ee xal ah waa:
1. in la sameeyo waxa loo yaqaano Kala-Dirid (Decommissioning), oo macnaheedu yahay in qof walba la siiyo faraqabsi uu naftiisa iyo reerkiisa ku dabbaro oo shaqada Dekadda kaga maarmo. Haddii aynu kasoo qaadno in meesha ay joogaan shaqaale (Demobilised Veterans) ilaa 1,500 qof iyo kuwa muruqmaalka ah oo iyana lagu sheegay ilaa 3,000 nin. Waxa loogu tala gelayaa 20 ilaa 25 Malyuun oo Doolar. Kadibna albaabka waa inay ka dareeraan, oo nin waliba geeloodii raacdaa, kii rabaana badda aadaa amaba beertoodii qotaa ama riyahoodiiba raacdaa. Arintaasi waa xalka abadiga ah ee arinta shaqaalaha lagu dhamayn karo (ultimate solution for once and for all). DPW waa sidaa loo fahamsiiyaa.

2. Ka dib waa in la furo nidaam shaqaale qoris oo hufan. Kaas oo noqonaya saddex qaybood: (a) Shaqaale heerka koowaad ah (caalami), oo imtixaan lagu qaato, fursadahani waxy u furnaanayaan dadka Somaliland kasoo jeeda iyo dunida kaleba (International). (b) Shaqaalaha heerka labaad oo iyana imtixaan lagu qaadanayo. Kuwaas oo ah dadka Somaliland oo khaas ah oo xirfadoodu sarayso(national plus). (c) Shaqaale heerka saddexaad oo loogu talo gelayo dadka Somaliland. Heerkan saddexaad waxaa tirada ugu badan loogu talo gelayaa dadka deegaanka, dabcan gobolada kalena badh baa ka imanaya.

3. Midda saddexaad waxa weeye ta la xidhiidha qandaraasyayada. Arintan waxaan aaminsanahay in gebi ahaanba loo daayo in shirkaddu (DPW)maamulato iyadu. Laakiin dhinaca kalena shariikaddu waa inay ogaato oo dareenkeeda la haato (sensitivity) in haddii ay dhacdo in qandaraasyada markasta cid sumad gooniya lihi hesho uun, in ay shaki keeni karto, degenaanshaha mashuuraca ay khatar ku keeni karto, sabatoo ah shariikadaheenu waxay inta badan u samaysan yihiin ama u habaysan yihiin qaab beelaysan ama degaamaysan!.
GEBAGEBO
Maanta waxaynu baahi weyn u qabnaa in dalkeena la maal gashado, in dadkeenu shaqo helaan, inaynu faqriga ina daashaday ka baxno, inaynu saaxiibo danahooda inaga dhex arka yeelano, hase yeeshee ogaada in aan laysku helayn Berbera iyo Marsada oo maalgeshi yimaado oo horumarta iyo dadkii ku tiirsanaa oo durba la maamuli kari waayo. Ogaada dadkaa meesha loogu yimi waa furaha in mashruucaasi hirgalo. Somaliland-eey caqligu ha shaqeeyo, nidaam dawladnimo oo adag ma haysano, waxaynu ku shaqaynaa ee Ilaahayna inoo barakeeyay waa qaab-maamul beelaadkaasi (clan based governance).

Ilahay Kalsoonida haynoo soo celiyo, beerkeena burcad haysu mariyo, haynaga dhigo kuwii dhib iyo dheefba si caddaalad ah u wadaaga….Aamiin

W.Q: C/Raxmaan Caydiid
abdiaideed11@gmail.com
March 14, 2017

418 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins