“Martial way dhaawacday in maaliyadiisa No.9 loo gacan galiyo Zlatan Ibrahimovic.”.

0
454

waaxa qoraya yaasir br

Anthony Martial ayaa ka murugooday oo ka niyad jabay Man United kaddib markii ay maaliyadiisa No.9 u gacan galiyeen Zlatan Ibrahimovic sida uu sheegayo wakiilka laacibka.

Da’yarka reer France ayaa loo xiray Lambarkaa markii uu Man United uga soo biiray Monaco 2015-kii balse waxaa loo badelay No.11 iyadoo lambarkiisa hore loo xiray Ibrahimovic oo ka yimid PSG.

“Sheekadan been kama sheegayo, way dhaawacday markii ay Man United ka qaaday No.9, wuu la yaabay midaa wuuna niyad jabsanaa maalmo yar.” La taliyaha Martial Philippe Lamboley ayaa sidaa u sheegay RMC.

“Laakiin waa xirfadle. Wuu ogaa inay tahay inuu dib u dagaalamo.

“Shaqsi ahaan ma aan aqbalin go’aanka, kaa oo aan qabay inuu xushmad dari ahaa. Waxaan u ogolaaday maamulka sare ee Man United inay ogaadaan sida aan dareemay. Ma ahan inaad sameyso wax ceynkaa oo kale ah, waan ka gudubnay boggaas iminka laakiin ma aynaan ilaawin.”.

Martial ayaa ku dhibtoonaya inuu qaab ciyaareedkiisa wacan helo kal ciyaareedkan taa oo sare u qaaday qiyaas fikradeedka laga qabo inuusan ku faraxsanayn inuu ka hoos shaqeeyo Jose Mourinho, balse wakiilkiisa ayaa beeniyay oo sheegay inuu ku faraxsan yahay joogista Old Trafford.