Marwada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Booqasho Indho-indhayn ah Ku Soo Martay Xafiisyada Xisbiga ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Hargeysa

0
442

Marwada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Booqasho Indho-indhayn ah Ku Soo Martay Xafiisyada Xisbiga ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Hargeysa.

Hargeysa(Warsugannews):-Marwada guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mawro.Farduus Maxamed Rooble, ayaa maanta booqasho ku tagtay xafiisyada xisbiga ee xaafadaha degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Marwada oo ay booqashadeedan ku wehelinaayeen mas’uuliyiinta garabka haweenka ee xisbiga Waddani, ku gobalka iyo qaar ka mid ah haweenka taageerayaasha xisbiga Waddani ee Jaaliyadda degan dalka Jabuuti, waxaana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiinta degmooyinkaas iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Booqashada Marwada oo ahayd mid indho-indhayn ah isla mar ahaantaana ay marwadu ugu guur galaysay xaaladda iyo hawlaha shaqo ee degmooyinkaas, sida oo kalena ay ku dardar-galinaysay hawlaha xisbiga, ayaa ugu horeyn ay mas’uuliyiintii degmooyinkaasi si hufan uga xog warameen hawlaha xisbiga, waxaana ay dhammaantood iftiimiyeen in hawlaha xisbiga ee degmooyinkaas ay si caadi ah u socdaan iyaga oo carabka ku dhuftay in taageerayaasha xisbiga Waddani ee degmooyinkani ay kor u sii kacday, isla mar ahaantaana ay isbedel dhabba ka sugayaan xisbiga Waddani in uu ka hirgaliyo dalka.

Marwada guddoomiyaha Xisbiga Waddani Marwo.Farduus Maxamed Rooble oo ugu dambeyntii iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa uga horeyn si ballaadhan uga mahad-celisay siddii qiimaha badnayd ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay ku ammaantay mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada xisbiga ee degmooyinkaas dedaalka xooggan ee ay ku jiraan, iyada oo carabkana ku dhufatay in hadafka koowaad ee xisbiga Waddani uu yahay siddii umadda reer Somaliland looggu horseedi lahaa isbedel dhabba oo dalka iyo umaddaba u horseeda horumar iyo caddaalad.

12084144_972948182762338_856726359_n

kiiuuu

okaq

ploiiuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here