Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Gobolkii Saddexaad gaadhsiisay Deeq Caafimaad, Dhagax-dhig, Kormeer guud iyo Xadhig ka jaridna ka fulisay Gudaha Magaalada Boorama

0
349

Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Gobolkii Saddexaad gaadhsiisay Deeq Caafimaad, Dhagax-dhig, Kormeer guud iyo Xadhig ka jaridna ka fulisay Gudaha Magaalada Boorama .

 

Hargeysa (Warsugannews) Marwada qaranka Marwo Aamina Waris iyo wafti ay hogaaminayso oo gaadhay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxaa si diiran gobolka ugu soo dhaweeyey maamulka gobolka, ururka haweenka ee Now, xildhibaano, Salaadiin iyo qaar ka mida waxgaradka gobolka Awdal .

 

Ujeedada socdaalka ee marwada iyo waftiga ay hogaaminayso ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa loona yarayn lahaa ummul-raaca ku dhaca hooyada uurka leh marka ay ummusho iyo kobcinta dhalaanka yar yar inta aanay gaadhin wakhtiga ay ku dhalan lahayeen.

 

Marwada oo Kormeer ku soo martay   xanaanooyinka ama  MCH-yada qaarkood iyadoo halkaana dardaaran ka siisay  dhakhaatiirtii ama ummulisooyinkii ku sugnaa goobaha caafimaad ee ay booqatay marwadu, waxaanay ku dhiiri gelisay sidii loo dhimi lahaa  ummul-raaca waxa loo yaqaano, waxaanay ku dardaartay in la xoojiyo tayada aqooneed ee  kalkaaliyaasha caafimaad si loo helo dad dhisan oo u dhabar adayga shaqada culayskeeda.

sidoo kale marwada madaxwaynuhu waxay cusbitaalka wayn ee Boorama ku wareejiysay Agab  isugu jira daawooyin iyo qalabka Oxgyenta ee caruurta yar yar, iyagoo ay iska kaashanayeen  hay’adda UNFPA iyo CARMMA  oo ay marwadu  ka tahay wakiilka loo igmaday Somaliland inay haween weynaha ku baraarujiso kuna dhiirigeliso sidii loo yarayn lahaa ama loo joojin lahaa ummul raaca hooyada.

waxaa halkaa ka hadlay badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Ramaax oo marwada uga mahadnaqay deeqda ay soo gaadhsiisay hooyooyinka iyo dhalaanka.

Sidoo kale waxa isna hadal ka jeediyey halkaa isu-duwaha  wasaaradda caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xasan Daahir Dhinbiil oo isna sheegay in ay  la garab taagan yihiin hooyada iyo dhalaanka badbaadada loo xoojin lahaa.

Waxaanay marwadu soo kormeertay cusbitaalka guud ee Boorama iyadoo marwadu bukaanka mid mid isu dil taagtay kana waraysatay Xaaladooda Caafimaad una ducaysay inuu alle ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad sareecana.

Geesta kale marwada ayaa dhagax dhigtay wadada tagta garoonka kubada cagta ee Magaalada  Boorama, iyada oo sidoo kale xadhiga ka jartay  wadada isku xidha magaalada ilaa Airport ka oo   ay iska kaashadeen  dawladda hoose ee Boorama iyo Maamulka gobolku.

 

Marwada oo ugu danbayn halkaa hadal ka jeedisay ayaa tidhi “Waxaan salaamayaa wasiir-ku-xigeenka cafimaadka, gudoomiyaha gobolka maayarka degmada Boorama, isu-duwaha caafimaadka gobolka agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka ee halkan ka shaqaynaya, saxaafada salaadiinta  iyo haweenka Ururka Now Hay’adda UNFPA  oo runtii ah hay”ad aad noola shaqaysa oo uu Cadnaan nagala joogo  hay’addaasi waa hay’adda aniga iga kaalmaysa in aan fidiyo Erayada ku saabsan  ummul raaca iyo caruurteena yaryar ilaa ay 5 jir gaadhayaan sidii aynu uga ilaalin lahayn Caafimaadkooda illaahay ayaa  wax ilaaliyee, balse in aynu intii itaalkeena ah aynu ka ilaalin lahayn hooyada uurka leh iyo markay ummulaysaba  in ay  caafimaad ku umusho ubadkuna ku  barbaaraan,  aad iyo aad ayaan ugu mahadqayaa intaas oo dad ah een sheegay waxaan khaasatan  u mahadnaqayaa oo aan ku faanayaa oo aan ku farxay MCH kii aanu soo marnay  iyo cusbitaalka wayn shaqaalaha ka shaqaynaya oo runtii ah shaqaale fiican nadaafadooda, ummuli-sooyinku siday u qurux badan yihiin   dumarka la dawaynayaa siday iyana ay u qurux bad yihiin siday u caafimaad qabaan hambalyo ayaan idin leeyahay.

Aalaabtan aanu iska kaashanay  UNFPA waa alaab  aan sidaa u weynayn laakiin  qalbigayga  iyo laabta  ayay ka timid  ha yaraato laakiin tayadeeda ayaa fiican oo waa ogsajiintii caruurta  haddii ay u baahdaan waa daawooyinkii la siin lah,  waa hooyada wixii lagu badbaadin lahaa  waa alaab qiimo leh  UNFPA iyo Wasaaradda  Caafimaadka  aad iyo aad ayay noola shaqayaan”

IMG_7431 IMG_7426 IMG_7420 IMG_7419 IMG_7416 IMG_7412 IMG_7399 IMG_7390 IMG_7388 IMG_7386 IMG_7384 IMG_7383 IMG_7380 IMG_7377 IMG_7367 IMG_7366 IMG_7361 IMG_7339 IMG_7336 IMG_7325 IMG_7308 IMG_7293 IMG_7269 IMG_7265 IMG_7262 IMG_7244 IMG_7228 IMG_0005 IMG_0003 IMG_0002 IMG_0001

ALLAA MAHAD LEH