MARWO AAMINA WARIS WAA MODEL-KA HAWEEN WEYNAHA SOMALILAND

0
597

MARWO AAMINA WARIS WAA MODEL-KA HAWEEN WEYNAHA SOMALILAND

Marwo aamina weris waa haweeney karti badan waxqabadkeeda , wanaageeda iyo aqoonta ay leedahey masoo uruurin karno waa bad aad ku hafaneyso hadaad istidhaahdo ka faalood balse waxooga ayaan ka tilmaamayaa sifaadkeeda wanaagsan .

 

Marwo aamina waxey ku sifoowdey ama ay caan ku tahey arimaha samafalka (Humanitarian)   taageerida haweenka iyo dhalaanka.

 

Marwo aamina waris waxey ka mid tahey aqoon yahanka tirada yar ee hormuudka u ah haweenka reer Somaliland waxaaney model u tahey haween weynaha Somaliland, marka laga hadlayo arimaha xuquuqda aadamaha (Humanitarian-ka)  waxaan hubaa inaanu jirin qof kaga aqoon badan binaadanimada waxey heerka waxbarashada labaad ee loo yaqaan  (Masterate) ku diyaarisay barasahda xuquuqda aadamaha  sidoo kalena ay ka shaqaynaysay muddo Labaatan Sannadood ah , halka ay sidoo kalena ka shaqaynaysay  muddo Shan sannadood ah Mihnada Saxaafada iyadoo in badan oo ka mida Suxufiyiinta siin jirtay tababaro islamarkaana ahayd macalimad soo saartey suxufiyiin badan oo reer Somaliland ah.

 

Haddaba waa ta keentey iney u dabacsanaanto dareento dhibaatooyinka heysta dadka tabaaleysan siiba agoomaha,dadka dhimirka wax ka qaba, naafada , hooyooyinka iyo dhalaanka .

 

Marwo aamina waxey nafta la qeybsataa dadkaas tabaaleysan oo mar walba ay ka warheysaa xaaladooda nololeed ee hadba ay ku suganyihiin, waxa marag madoon ah in marwalba agoomaha ay ka farxiso kana taageerto huga xidhaan iyo dhuuniga ay quutaan , agoomaha dalka oo dhana Ciid walba la ciido marwadu si ay u tusto iney hooyo u tahey taasina tahey waajib saaran oo ay gudatey.

 

Waxa iyaduna xusid mudan sida hagar la,aanta ah ee ay xil iskaga saarto hooyooyinka iyo dhalaanka  waxaana tusaale kuugu filan safarkii ugu dambeeyey ee ugu baxdey gobolada dalka safarkaas oo ujeedadiisu aheyd sidii ay uga wardooni laheyd xaalada ay ku suganyihiin hooyooyinka iyo dhalaanka jiifa xarumaha caafimaadka ee dawladu gacanta ku hayso goob walba oo ay tagtana waxey gudoonsiineysey  dawooyin iyo qalab caafimaad waxaaney qol qol u galeysey iyadoo  wareysi la yeelaneysey haweenka  bukaan jiifka ah iyo hooyooyinka caruurtooda kula jira cisbitaalada kana wareyseynaysey xaaladooda iyo sida loogu adeego sida aad muuq baahiyaasha ka dheehaneyseen waxey bukaankaasi dhamaantood ka marag kaceen in si fiican oo hawlkalrnimo ah loogu adeego.

 

Sidoo kale waxa lama ilaawaan ah oo ay bulshadu ku diirsatey markii ay marwo aamina weris  bookhatey xarumaha lagu daryeelo dadka dhimirka naafada ka ah oo ay ugu deeqdey raashin ay cunaan siiba xoolaha nool oo ku wareejisey , marwadu waaney u duceysey iyadoo ugu ducayneysey in ilaahey xuskoogii usoo celiyo, bulshadana waxey ka wacyi gelisey in dadka maskaxda ka xanuusanaya aaney fogeyn ee ay soo dhaweeyaan ayna daryeelaan caruurta dhagaxa la daba taagana ay ka celiyaan.

 

Gunaanadkii maqaalkeygan waxaan kusoo koobayaa marwo aamina weris waa hooyo karaamo xushmeyn iyo qadarinba inaga mudan mana haboona in la aflagaadeeyo ama sharafkeeda meel lagaga dhaco wax deelqaaf ku ah oo aney geyin dusha laga saaro waana ceeb in laga been abuurto oo meelaha lasoo dhigo in marwadu joornaal u gaar ah ay sameysatey taasina ay tahey war aan sal iyo raadtoona laheyn  , haddaba kuwa lunsan ee camalka ka dhigtay aflaageynta madaxdeena iyo marwooyinkeena

 

sharafta leh ha ogaadaan in diinteena suuban ay ina fareyso in aynu madaxdeena laga hor iman ee la adeeco.

 

Qore :- Ciise Cali Xasan

 

Email:- wacays_16@hotmail.com