Marwo Samsam Cabdi Aadan(Iron-Lady) waxaan odhan Karnaa Wasaarada Maaliyadu Way Cagodhigatay Intii Ay Wasiirka Ka Ahayd”Ag Hore Cashuuraha Beriga Somaliland

0
356

“ Marwo Samsam Cabdi Aadan(Iron-Lady) waxaan odhan Karnaa Wasaarada Maaliyadu Way Cagodhigatay Intii Ay Wasiirka Ka Ahayd”Ag Hore Cashuuraha Beriga Somaliland

Hargaysa(Warsugan) Cabdiraxmaan Jibriil cabsiiye Agaasimihii hore ee cashuuraha Beriga Somaliland ayaa ka hadlay Isbedelada ku yimi Wasaarada Maaliyada Gaar ahaana Cashuuraha beriga Iyo kastamada dalka tan iyo markii uu xafiiska ka Tagay wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale

Cabdiraxmaan Jibriil Sidan wuxuu ku sheegay mar uu Maalintii Shalay waraysi gaar ah ku siiyay magaalada Hargaysa Warbaahinta wuxuuna tilmaan cad ka dhiibay Kala duwanaanshaha xiligan ee Wasaarada Maaliyada ku yimi tan iyo intii ay xilka qabatay wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu ku sifeeyey inay tahay qof Shaqada qaranka u daacad ah oo ka Madax banaan waxyaabihii qarsoonaa ee ay ku kacayeen wasiiradii ka horeeyey Taasi oo ahayd Xafiiska Wasaarada oo Looga shaqeeyo Siyaasada iyo Qabaailada Reeraha isagoo intaasi ku daray inay u Madax banana tahay Shaqada Wasaarada Taasi oo ay ku Darsatay U Gargaarista

Cabdiraxmaan Jibriil oo arimahaasi ka Hadlayaa Waxaa uu Yidhi “ Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan(Iron-Lady) waxaan odhan Karnaa Wasaarada Maaliyadu Way Cagodhigatay Intii Ay Wasiirka Ka ahayd Wasaaradaasi Waxaana soo baxa Miisaaniyada la qoondeeyey Taasi oo ay Weliba Dheertahay Dheeraad Aan yarayn,iyadoo ay markhaati inooga tahay xisaab xidhka la sameeyo ee loo gudbiyo Hantidhowrka Guud ee qaranka Somaliland,Sidoo kale Hantidhowrku ayaa isaguna waxaa uu usii gudbiyaa Golaha wakiilada Somaliland,Taasi waa Markhaati marka laga yimaado waxaan warbaahinta iyo Mareegaha qaarkood ku Arkay qaar ka sheekaynaya oo leh qandaraas Ayaa la siiyay Horjoogaha cashuuraha beriga Mudane Cabdisalaan iyo Wiil ay walaalo yihiin Marwo Samsam,Hadaba waxaan filayaa inay halkaasi aqooni ugu laaban tahay,Anigoo hore Meesha Agaasime Uga ahaa Waxaa I bedelay Agaasimaha Cashuuraha Beriga ee xiligan Axmed Maxamuud Cawad,Cabdisalaana waa Maamulaha acshuuraha ee Gobolka Maroodijeex,Wax heshiis ah oo geli karaana maba jiro,waana nin ka nadiif ah waxan la sheegayo,Markaas hadii aad si kale iskugu dhacdeen waxaa qofka laga sheegaa wax dhab ah,Fadlan kana daaya Xagxagashada wasiirada keliya ee intii ay wasaarada joogtay Kasoo dhalaashay shaqadii qaranka Taasi oo Wasaarada looga Yaqaano Iron Lady iyadoo loogu magic daray gabadhii xukumi jirtay Ingiriiska ee loo yaqaanay Margaret Thatcher taasi oo ka dabaalatay xaalado adag oo soo maray Dalka ingiriiska iyadoo markii ay Weerar ku qaaday dalka Argentina Jasiiradaha la yidhaahdo Falckans Land kuwaasi oo aad uga fog dalka ingiriiska,Sidaa Darteedna aad iyo aad ayay kor ugu qaaday Dakhligii Waxayna xakamaysay kharashka loo yaqaan (Mis Useska),Waana Ka ku bixi jiray Macno-la’aanta iyo Siyaasada,wax kastaana waxaa ka hadha Taariikh,intii kulmiye Tada dalka hayay wasaarada Maaliyada waxaa soo maray sadex wasiir, “ Ayuu Yidhi Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye.

Cabdiraxmaan Jibriil Sidoo kale waxaa Kala sifeeyey Kala duwanaanshaha Sadexdii Wasiir ee Wasaarada Maaliyada Waxaana uu yidhi Isagoo Arimahaasi Ka Hadlaya “Ugu horeynWaxaa uu ahaa wasiir Maxamed Xaashi,Balse aniga iskumaanu Wanaagsanayn Hadana Xaasid Maan ihi wixii uu qabtay iyo wanaagiisii waan Garanayaa Waanan qirayaa,waxaana uu aha wasiirka keliya ee Fadhiisiyay dakhliga Maanta bil walba soo baxa Waana ninkii reerkooda kazoo qaaday Daynkii iyo Mushaharkii Shaqaalah ee aan xiligaas uu xilka la wareegay la bixin,sadex bilood iyo welibana raashinkii ciidanka ,waana aad waydiin kartaa cid kasta bil walba waxaa uu qoondeeyey kharashka Miisaaniyada haday tahay mushaharka ciidamada,raashinka ciidanka,mushaharka shaqaalaha Wasaaradaha,Baarlamaanka iyo Kharashyada keliya oo aan bilna bil la amaahin,Wasiir Samaale waxaa keliya ee aan ka sheegaa waa inuu ku qaldamay Siyaasada Iyo Maamulka wasaarada iyadoo Wasiir samsam Taasi bedelkeeda ay Ay Fadhiisisay dakhligii Wasaarada,Kharashkii oo ay Xakamaysay,Waxaanan qabaa in la kala Nasiib wanaagsan Yahay,Waxaan leeyahay Nasiibkeeda Ayaa wanaagsan waxaana Markhaati ka ah Wasiirka Wasaarada Maaliyada soo maraa Isagoo Dawakhsan oo eedeyn iyo Cunfi Badani ku dhacay Ayuu ka tagaa iyadana Madaxna Ma Wareerin Waana Nefis “ Ayuu Yidhi Cabdiraxmaan Jibriil Oo Hadalkiisa Intaasi kusoo afmeeray.