Marwo Zamzam Cabdi Aadan FOOLAADKA SAFKA HORE EE HAL-DOORKA HAWEENKA SOOMAALILAND

0
711

Marwo Zamzam Cabdi Aadan FOOLAADKA SAFKA HORE EE HAL-DOORKA HAWEENKA SOOMAALILAND

Marwo Zamzam Cabdi Aadan waxay kamid tahay hal-doorka haweenka reer Somaliland haddii ay noqoto dhanka kartidda, aqoonta, ka qayb qaadashadda horumarinta bulshadda, waa shaqsiyad ku caan baxday in ay markasta si daacadnimo ah ugu adeegto bulshadeedda. Waa shaqsiyad ku sifowdey howl karnimo iyo hufnaan. Waana shaqsiyad ku amaanan hadba meesha ay wax ka qabaneyso amaba habka iyo hanaanka ay wax u wado. Waa shaqsiyad ixtiraam iyo tix galin aan u hayo aniga iyo inta ila faca ah ee dhalinyarada Somaliland oo dhan. Waa shaqsiyad bulshadadeeda la qaybsata dareenada ku xeeraan, taas oo marwalba ka abaarta wax ka qabashada halka ugu daran ee ay wax kala qaban karto. Waxaan odhan karaa waa shaqsiyad koobsatay dhamaan arrimaha aan kor ku soo sheegey iyo weliba kuwo kale oo aan halkan lagu soo kobi karin. Kuwaas oo qofkasta oo caqligiisu shaqeynayaaba uu qirayo, kana marag kacayo.

Marwo Zamzam Cabdi Aadan, waxay safka hore kaga jirtaa haweenka Foolaadka ah ee u banbaxay sidii ay umadoodda ugu shaqayn lahaayeen, iyadoo mar kasta danaheeda gaarka ah ka hor marisa danta guud iyo wax u qabashadda dadka reer Somaliland ee jilicsan. Zamzam, oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Marwo Zamzam Cabdi Aadan, waxay ka mid tahay shaqsiyaadka farro ku tiriska ah ee safka hore kaga jira, dadka aqoonta leh ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaata, sidii horumarinta bulshadeena iyo dhaqaalaheenaba loo sii wadi lahaa guulo wax ku ool ah oo la taaban karona looga soo hoyn lahaa. Waxay ka mid tahay dadka ugu kartida badan, ee dedaalka iyo naf-hurka u galay sidii ay dalkeedda iyo dadkeedaba wax ugu qaban lahayd. Iyadoo mudadda ay Somaliland jirtayna si weyn uga qab qaadatay mashaariic kala duwan oo dalka laga hirgeliyay, kuwaasi oo ah waxyaabo aad u qiimo badan oo aad loogu xasuusan doono, isla markaana aanay umaddu marnaba ilaawi doonin.

Wax-qabadka aadka u badan iyo mashaariicda kala duwan ee la xidhiidha dhinaca horumarinta bulshadda ee ay Marwo Zamzam Cabdi Aadam, dalka ka hirgelisay oo ah kuwo aan la soo koobi Karin, waxaa ka mid ah waxbarashada oo aynu wada ognahay waxay iskuulaad cusub dhistey, qalabeysey, islamarkaana u tababartey macalimiintii dhigilahayd , iyadoo sidookale macalimiintii da’da ahaa ee shaqada ka fadhiistey qaar kamida ay siisey lacagtii hawlgabka, sida la ii sheegey midkiiba lacag iska fiican, sidookale magacii wasaaradaas oo ay kor u qaadey, halkuu kolkii hore ka ahaa wasaarada waxbarashada waxay ka dhigtey wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaa intaa sii dheer intii ay maaliyada joogtey waxay maktabad cusub u dhistey jaamacada camuud halkaa intaasaan ka xusuusnahay hada.

Xaga caafimaadka waxa jirta qayb cusub oo ay ka hirgalisey cusbitalka weyn ee hargeysa intii ay maaliyada joogtey. Intii ay maaliyada joogtey xaga sports kana waxaan ka xusuustaa garoon kubadeed oo ay ka hirgalisey magaalada tog-wajaale ee gobolka gabiley, garoonkaas waxa loogu magac darey Marwo Zamzam Cabdi Aadan. Koley taariikhda waxqabadka marwada oo intan ka faahfaahsan waa la soo bandhigidoona laakiin intan yari kaliya waa xusuusin.

Iyadoo taas lawada ogsoonyahay hadana Marwo Zamzam, waxay door aad u muhiim ah kaga jirtaa dadka aqoonta leh gaar ahaan haween weynaha soomaaliland, taas oo hadh iyo habeenba heegan u ah sidii ay wax ugu qaban lahayd umadeedda. Iyo waliba iyadoo kaalin lama ilaawaan ah kaga jirta dadka inta badan ku mashquulsan wax u qabashadda dadka jilicsan ee danyarta ah iyo kuwo tabaaleysan ee abaartu saameysey..

Qoraal mid iyo laba laguma soo koobi karro kaalinta wax ku oolka iyo doorka muuqda, sharafta iyo karaamadda ay marwo Zamzam Cabdi ku dhex leedahay bulshadda, waxaana hubaal ah in taariikhdu xusi doonto, iyadoo weliba safka hore ama bogaga hore ka geli doonta dadka sida hagar la’aanta ah ugu soo tabcay in ay dalka iyo dadkaba horumar iyo taageero dhinac walba leh la garab taagnaadaan.

Waxaanay muddo badan wakhtigeedda iyo maal-keedaba u soo hurtay Somaliland, waxana lagu tiriyaa dadka inta badan lexe-jecladdu ka hayso Jiritaanka ama Qadiyadda Somaliland-nimaddu. Sidoo kale, waxay ay ka mid tahay Haweenka siyaasadda saameynta ku leh

Marwo Zamzam, waa marwo ka soo if baxday runtii inta la qayrkaa amaba ay isku jiilaka yahiin taa macnaheedu maaha in hooyoyinka kale iyana wax ka soo qaad lahayn laakin way jiraan kuwo iyaga laftoodu hal door ah laakin runtii marwo Zamzam Cabdi Aadan waa shaqsiga kaliyaata ee u banbaxay amaba u kaliyoobay wax ka qabashada iyo taakulaynta dhalinyarada Somaliland.

Guntii iyo geba gebadii Zamzam Cabdi waa shaqsi marka la arko dhalinyaro amaba lagu soo xasuusto waxaana taasi marag ma doon u ah amaba markhaati cad uga ah sida ay ugala qayb qadato amaba ay had iyo jeer heeganka ugu tahay runtii dhalinyarada iyada oo aad arkayso mar walba inay dhiirigalin taakulayn iyo waliba daryeel balaadhan oo ay u fidiso dhalinyarada qaybaheeda kala duwan ha ahaato xag sport ha ahaato xag dhiiri galineed ha ahaato xag taakulayn iyo tabarucaad iyo waliba in kale oo aanan soo koobi Karin.

Qiimayntii Dhaymoolenews, ee wasiir Zamsam Abdi Aden Hargeisa, Somaliland.

kobciye999@gmail.com