Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir ILAHAY ha u naxariisto, Waxa uu ahaa nin ku wayn Qarankan, Waxa uu ahaa nin hal -abuur leh, wuxuu ahaa nin hal adayg leh, wuxuu ahaa nin hayal san

0
379

“ Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir ILAHAY ha u naxariisto, Waxa uu ahaa nin ku wayn Qarankan, Waxa uu ahaa nin hal -abuur leh, wuxuu ahaa nin hal adayg leh, wuxuu ahaa nin hayal san.” Wasiir Maxamuud Xaashi
………………………………………………
Burco (Warsugannews) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka qayb galay aas Qaran oo maanta magaalada Burco loogu sameeyey Marxuun Cabdi Aw Daahir.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa Marxuum Cadbi Aw Daahir ku tilmaamay inuu ahaa siyaasi culus iyo masuul hal abuur iyo karti leh, waxaanu ALLE ugu baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, Umadda reer Somaliland ee uu ka baxyanaya Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Wasiir Xaashi oo xabaasha dusheeda kula hadlay Saxaafadda ayaa yidhi“ Geeridu waa xaq dhamaanteena waynu wada dhimanaynaa Adoomo ILAHAY ayeynu nahay, waynu kala horaynaynaa uun, sababaha iyo meelaha aynu ku kala dhimanayno ayuubaa kala duwan.Geeridan naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Dr. Cabdi Aw Daahir Cali waxaanu ugu tacsidanaynaynaa dhamaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana qoyskii qaraabadii iyo Eheladii uu ka baxay walaalkeen.
“ Walaalkeen Cabdi Aw Daahir waxaan ILAHAY uga baryeynaa inuu naxariistii janada fardawsa ka waraabiyo una dambi dhaafo, inagana uu khaatumada inoo wanaajiyo, dhamaanteena uu samir iyo Iimaan inaga siiyo.”
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka sheekeeyey taariikhdii Dr Cabdi Aw Daahir waxaanu yidhi “ Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ILAHAY ha u naxariisto, waxa uu ahaa nin ku wayn Qarankan, nin mudan inaynu sidan jinaasadiisa u nimaadno, waxa uu ahaa nin hal -abuur leh, wuxuu ahaa nin hal adayg leh, wuxuu ahaa nin hayal san, wuxuu ka mid ahaa dadkii halgankii dib u xoraynta Qaranka ka soo qayb qaatay, gaar ahaan markii magalooyinka la soo galay wuxuu ka mid ahaa dadkii hawsha badan ka galay daawayntii dadkii dhaawacyada badani ka soo gaadheen dagaalkii, caan ayuu ku ahaa. Waxa uu ahaa dadkii dib u dhiska Qarankan ka qayb qaatay xilal badan oo kala duwan soo maray, masuuliyado badan oo kala duwan soo qabtay. Wuxuu ahaa nin siyaasi wayn oo ruug cadaaya, waxa uu mudan yahay inaynu ILAHAY Naxariis u waydiino, kana tiiraanyoono. waynu wada dhimanaynaa dhamaanteen, waxa aynu u baahan nahay Umadd ahaan inaynu dhamaanteen is cafino isu calool samaano. In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun.”

S9110046

S9110041

S9110019

S9110013

S9110005

IMG_0940

IMG_0930

IMG_0926

IMG_0920

IMG_0911

IMG_0901

IMG_0898

IMG_0893

IMG_0889

IMG_0887

IMG_0880

IMG_0879

IMG_0872

IMG_0869

IMG_0862

IMG_0846

IMG_0844

IMG_0840

IMG_0835

IMG_0833

IMG_0826

IMG_0824

Daawo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay Shaqsiyadii Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir tacsina u diray Qoyskii iyo Shacbiga Somaliland