“Marxuum Maxamuud Dhool-dahable Waxa uu ahaa Nin Caan ku ah Mab’da adayg, Run, Daacadnimo, Hawl karnimo Dad-yaqaan, iyo Dhul-yaqaan.” Wasiir Maxamuud Xaashi

0
530
????????????????????????????????????

“Marxuum Maxamuud Dhool-dahable Waxa uu ahaa Nin Caan ku ah Mab’da adayg, Run, Daacadnimo, Hawl karnimo Dad-yaqaan, iyo Dhul-yaqaan.” Wasiir Maxamuud Xaashi

Hargeysa (WSN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shaqsiyada Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), oo maanta laga aasay Magaalada Hargeysa.

Aaaska Marxuunka oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Mudane Xaashi oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “ Geeridu waa xaq, waxa aynu nahay adoomo ILAHAY, dhamaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxa aynu maanta joognaa aaskii walaalkeen Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), ILAHAY (SWT) ha u naxariisto. Walaalkeen Maxamuud geerida ku timid waxaanu ka tacsiyadaynaynaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan qaranka Somaliland, waa nin weyn oo qarankan ka baxay, waa nin ku suntan halgankii, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkan, Maxamuud waxa uu ahaa nin wayn oo culus, waxa uu ahaa garab weyn oo inaga baxay.”

“ Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa nin caan ku ah mab’da adayg, run, daacadnimo, hawl karnimo dad yaqaan, dhul yaqaan, wuxuu ahaa shaqsiyad aad u qiimo badan oo aan laga faaloon karin si sahlo ah. Marxuunka Maxamuud Dhool-dahable Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo Saaxiib weyn ahayd ahaayeen. ILAHAY Samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto, inaga cabro ayaa inoogu sugan geeridiisa.”