Mashaariicdan Aanu Sayla ka furnay waxa fuliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan Wasiiradayadani Waxaanu nahay Kaaliyeyaashiisii”.Wasiirka Madaxtooyada JSL.

0
345

“Mashaariicdan Aanu Sayla ka furnay waxa fuliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan Wasiiradayadani Waxaanu nahay Kaaliyeyaashiisii”.Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Sayla (Warsugannews) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo Xukuumadda Somaliland ay ka hir galisay degmada Sayla ee Gobolka Hawd.

Wasiirka Madaxtooyadda iyo wafti oo hogaaminayo oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda oo maanta gaadhay degmadaasi ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey, ka dibna xadhiga ka jaray dhismayaashaasi.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlay muwaasibad loo qabtay furitaanka mashriicaadi ayaa yidhi “ Mudanayaal iyo marwooyin maanta waxaanu halkan ku nimid waftigayagan balaadhan in aanu xadhiga ka jarno mashaariicdan kala duwan ee isugu jira xaruntii xanaanada, xaruntii maamulka ee degmada Sayla iyo maxkamadii degmada, in aanu sadexdaas dhisme ee cusub xadhiga ka jarno.”

“ Dhismayaashaasi waxay ka mid yihiin kor u qaadida adeegyada bulshada iyo kaabayashada dhaqlaaha. In bulshada Somaliland gaar ahaan dadka reer Sayla Garsoor la gaadhsiiyo oo ay ka maarmaan inay dhamaan dacwadoodaha la tagaan meelo durugsan, in garsoorka la gaadhsiiyo bulshadu waa siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay meel marinayso, iyo maamulada kala duwana inay helaan meelo ay ku shaqeeyaan, waxa aynu nahay bulsho qoys ah iyo Qaran koraya, geed hoostii waynu soo dhaafnay inaynu wax ku maamulno saban ayeynu wax ku maamuli wuu jiray, waa in dhismayaal qurux badan la helo taas oo macnaheedu yahay haybadii degmada iyo horumarkeediiba halkaasay ka bilaabmaysaa, arintaasi ujeedadaa iyo dulucdaas ayey xambaarsanayd.

Xukuumadu waxay ka masuul tahay dalkaas dhan ee intaa le’eg in gees ilaa gees inay u qaybiso wixii soo gala iyo horumarka u yimaada si caddaalada. cashuurta yare ee laydinka qaado ayaa daarahaas lagu dhisayaa, cashuurtaas waxa lagu bixiyaa mushaharada ciidamada, ciidankeenu ma mushaharo waayaan, Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyadoo kordhisay mushaharadii shaqaalaha iyo ciidamada ayaa hada Shan iyo labaatanka bisha la wada bixiyaa mushaharooyinka.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena sheegay in Taariikhda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay maalin kale soo bixi doonto waxaanu yidhi “ Dalka Somaliland inuu horumar sameeyey, hogaanka Axmed Siilaanyo-na in la mahadiyey iyo in lagu hoogay taariikhda ayaa sheegi doonta. Markhaatigaasna ma furi doonaan dadka wanaaga neceb, kuwa wanaaga qariya, iyo kuwa ku cadanyooda horumarka. markhtaatigaas waxa furaya bushada Somaliland ee caafimaadka qabta.Xukuumadana taariikhdeedu waxay soo bixi doonta maalin aan maanta ahayn.”

Ugu dambayntii Wasiirka Xaashi ayaa sheegay in Mashaariicdan uu fuliyey Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “ Mashaariicdan aanu Sayla ka furnay waxa fuliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan wasiiradayani waxaanu nahay kaaliyeyaashiisii, waxaanu ku shaqaynaynaa siyaasadiisa. Waxaynu u baahan nahay inaynu isku duubnaano, waan hambalyeynayaa gabadha muwaadina ah ee degmadan ka dhistay saldhiga, waxyaabaha Xukuumadda dhiiri galiya ayey ka mid tahay, wanaag ayaanu u haynaa. Maadaama dugsigii dhaxe fasalka sideedaad uu yahay dugsi sare ayaa u baahan tihiin, iyadana waanu ka hawl galaynaa sidii dugsi sare degmada Sayla loogu samayn lahaa. Xukuumadda Axmed Siilaanyo balamo beena ma qaado, dhagaxaan beena meelo ma dhigno, waxa taarkkhda lagu hayaa anagoo furna kuwaanu dhagax dhignay.”

Wasiirka ayaa waxa socdaalkaasi ku wehelinayey Wasiirada, Caafimaadka Dr.Saleebaan Xaglatoosiye, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Qaranka Cali Shoombe, iyo Wasiiro iyoXildhibaano kale.

13043304_445793682284533_721845823105730089_n

0001

0002

0003

0005

11215133_445793828951185_1466315779136813511_n (1)

11215133_445793828951185_1466315779136813511_n

12974386_445794305617804_8090558426385565775_n

12974444_445793952284506_2941107695441316103_n

12985341_445794292284472_7344564254074787840_n

12985627_445794155617819_7228932227080944030_n (1)

12985627_445794155617819_7228932227080944030_n

12987060_445793842284517_5935008163101092501_n

12987075_445794302284471_1058311288573281891_n

12993620_445794232284478_7922759498822436946_n

12994562_445793932284508_1254116729194253787_n

12998552_445793722284529_7250275880766499064_n

13006449_445794205617814_5836703660077107670_n

13006564_445794145617820_7031358955955173980_n

13006578_445794018951166_4063920264254219209_n

13006730_445794472284454_8018448805673312668_n (1)

13006730_445794472284454_8018448805673312668_n

13007153_445793642284537_9083972797520442010_n

13007162_445793708951197_8909964442720951422_n

13007181_445793645617870_3896098384342104368_n

13010885_445794125617822_8842596179566185963_n

13012598_445793815617853_163737332500545675_n

13012734_445793915617843_1579838769607896039_n

13043291_445793798951188_3332076750210379830_n (1)

13043291_445793798951188_3332076750210379830_n