Mashruuca Biyo balaadhinta Caasimadu Wuxuu ka mid Yahay Hiigsiga iyo Himilooyinka Ugu wayn Ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Iyo Dhaxalka ay Umaddan uga tagayso

0
326
?

Mashruuca Biyo balaadhinta Caasimadu Wuxuu ka mid Yahay Hiigsiga iyo Himilooyinka Ugu wayn Ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Iyo Dhaxalka ay Umaddan uga tagayso.
……………………………………………………………………………………………………..

“ Farxad wayn ayey ii tahay inaan maanta dhagax dhigo Mashruuca dhismaha dayrka kaydka biyaha ee Hargeysa, iyo dhismaha laba barkadood oo cusub, kuwaas oo ka mug wayn kuwii hore ee jiray, Dayirkan kharashkiisa waxa bixinaysa Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wakaalada biyaha oo aan si wayn ugu hambalyeynayo qorshahaas ay hirgalinayso.

Bini-Aadamku laba arrimood ayuu u baahan yahay, kow inaynu tamarteena iyo taagteena ku tiirsanaano, iyo inaynu qorshe fiican hindisano oo dunida aynu wax ku waydiisano, ILAHAY-na la kaashano.

Mushuucani waxa uu ka kooban yahay laba qaybood, waxna inagaa qabsanayna oo bixinayna oo dayrkani ka mid yahay, waxna Dunida ayeynu qorshe u samaysanay oo inala qabanaysa, mashruucan biyo balaadhinta caasimadu wuxuu ka mid yahay hiigsiga iyo himilooyinka ugu wayn ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dhaxalka ay Umaddan uga tagayso, mashruucan Barkadaha waxa ku baxaya dhawr iyo Konton milyan oo doolar, waxaasi iskamay iman, iyadoo dunidu sacabada ku sidana laynalama caashaqinee waxay ku timid hal abuur , Hindise, ku tala gal iyo qorshe aynu diyaarsanay, oo dunida aynu gacanta marinay, iyo maqrado aynu dhiganay.

Tani waxay ku timid inaga oo dunida tusnay inaynu wax qabsanayno oo dunidii markay aragtay inaynu waxqabsanayno, ay ina aamintay, waxay ku timid in aduunku uu ina aaminay oo aynu la nimid Cad-cadaan iyo la xisaabtan, dad badan ayaa laga yaabaa in aanay hadalkaas fahmin, duniduna cid aan hami lahayn wax lama siiso, cid aan weel u tolana iyo cid aan u bislayna waxba lama siiyo, waxaan ku hambalyeynayaa cid kasta oo mashruucan ka qayb qaadatay, cidii hal abuurkiisa lahayd iyo cidii wax ka gaysatayba, oo Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ay u horayso, Wasaarada Biyaha, Wasaarada Qorshaynta, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire, oo aan jecelahy inaan si gaar ah u xuso, arrintana qayb libaax ka qaatay.

Xukuumadda Somaliland arrintani muhiimad gaar ah ayey u leedahay waayo waa Caasimadii, dad ayaa laga yaabaa inay yidhaahdaa ma dhawr iyo Konton milyan Oo Dollar ayaa la galinayaa hal goob oo dalka ka mida, haa waxa weeye, waxa loo galinayaa, waa mudnaan, waa Caasimadii dalka, waxa ku nool dadka Somaliland sadex dalool hal dalool, ilaa malyuun iyo sadex boqol oo kun oo qof ayaa ku nool, dadkaas oo hal meel ku nool in la waraabiyo ayaa ka mudan, Ceelal teel teel ah.

Mashuurcani waa mid wayn oo Qiimo wadankan u leh, ka Xukuumad ahaana waxaanu ka shaqynaynaa inuu dhamaado dabayaaqada sanadkan 2016-ka. Waxa kale oo mashuurcan ka mida in biyaha la qaybiyo oo xaga Koonfurta iyo bariga in biyo la gaadhsiiyo, arrintan waxa ka mid tahay Guulaha waaweyn ee Xukuumadani ay ka tagayso, yoolka iyo abaarta inoo ah sanadkan, iyadoo taas laga duulayo waa in barkado la qado, kuwii hore la hagaajiyo, dushoodad na nadiifiyo, waxaan u mahad naqayaa dadkii halkan daganaa ee laga raray.”

?
?

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

?
?

ALLA MAHAD LEH.