Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Oo Sharaxay Baahida Dekadda Berbera u Qabto In La Casriyeeyo

0
323

Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Oo Sharaxay Baahida Dekadda Berbera u Qabto In La Casriyeeyo

“Waxaanu Ummadda ku Wacyigelinaynaa Inaanay Khayr Laaweyaasha Iyo Xaasidiinta Midnaba Maqlin”

Hargeys(Warsugannews)- Wasiir Ku-xigeenka Wershadaha,Badhsaabka Awdal iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta oo saddexduba ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen Hargeysa waxay ku baaqeen in la taageero heshiiska balaadhinta iyo casriyaynta marsadda Berbera ee xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda dekadaha ee DP World oo laga leeyahay dalka isku taga imaaraadka carabta.

Masuuliyiintani waxay sheegeen inay rejaynayaan inay guul ku dhammaadaan wejiga labaad ee wada hadalladda u dhaxeeya Somaliland iyo imaaraadka carabta ee lagu dhammaystirayo heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac 9-kii bishii May 2016 ay ku kala saxeexdeen magaaladda Dubia.

Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Wershadaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (Cali-dhegoolle) ayaa heshiiska casriyaynta dekadda Berbera ku tilmaamay guul u soo hoyatay qaranka. waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu garab istaagaan qorshaha maal-gelinta dekadda Berbera oo lagu wado inay noqoto mid caalamiya oo xudun u ganacsi u noqota dalalka aan badda lahayn ee Barriga afrika.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay in duruufta iyo xaaladda Dekadda Berberi ay aad ugu baahnayd in la maalgeliyo, waxaanu yidhi “Dekeda Berbera waxay u qorshaysan tahay marka runta laga hadlo gadbadii tuurta lagu qaadi jiray ee bakhaarka lagu xareyn jiray. Dekaddu uma qorshaysna marsooyinka casriga ah ee maanta isku bedalay kontiinarrada. Marka ay dekadda ka soo degaan 1 Milyan oo Kontiinar iyo imika oo ay sannadkii ka soo degaan 10 kun oo kontiinar oo aynu waliba dirqi ku roganno keebaa labadaas dalka u faa’iido badan. Waxa la yidhaahdaa waxa la eryayaa shaqaalaha dekadda arrintan waxba kama jiraan waa been cad. Shaqaaluhu wuu badanayaa marka meesha wax yimaadaan.”

“Waxaanu ummadda ku wacyigelinaynaa ummadda inaanay khayr laaweyaasha iyo xaasidiinta midnaba maqlin.waxaan leeyahay wixii hanta ah ee dalka gala wadanka ayaa iska leh,”ayuu ku booriyay shacabka Badhasaabka Awdal.

Agaasimaha guud ee diinta iyo awqaafta Saleebaan Siciid Cali, sharaxay faa’iidooyinka heshiiskani u soo kordhinayo dalka, waxaanu xusay inuu yahay maalgashigii ugu weynaa ee Somaliland caalamka la gaadho 25-kii sannadood ee ay qaranimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Agaasimaha diintu waxa uu u soo jeediyay shacbiga gobolka Saaxil inay dhegaha ka furaystaan dadka dacaayadaha aan cagaha adag ku taagnayn ka fidinaya heshiiska xukuumadda Somaliland iyo shirkadda imaaraadka laga leeyahay ee Dubia World.

“Aniga (Agaasimaha) ayaa waydiiyay weftigii xukuumadda ee heshiiskan soo saxeexay waxaanay ii sheegeen in shaqaalaha dekadda Berbera ay sidooda ahaanayaan oo aan cidna laga eryaynin,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
m4

m1

m2

m3
By Cumar Maxamed Faarax