Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Waxgarad Iyo Madaxdhaqameed Tacsi U diray Shacbiga Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum C/wahaab Gamgam

0
326

Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Waxgarad Iyo Madaxdhaqameed Tacsi U diray Shacbiga Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum C/wahaab Gamgam

Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Baarlamaanka, Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamed Cali Saleebaan (Ramaax), Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Maxamud Cumar (Cali Xoor Xoor),Maayar Magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan(Ciddin),Suldaan Cismaan Xaaji Cali Kooshin, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, Naasir Yuusuf Daahir, Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada, C/risaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), Gudoomiyaha gudida diwaanglinta ururada siyaasiga ah, Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Agaasimaha Diinta iyo Aw-qaafta, Siciid Xasan Cabdilaahi Maareeyaha Xidhiidhka hay’adda raashinka ee WFP,
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Cabdilaahi Xaaji Diiriye (Gamgam) oo ku geeriyooday hargeysa 26/07/2016, lagu aasay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
waxaanay Alle uga baryayaan Marxuumkaasi inuu naxariistii janno Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.