Masuuliyiinta KULMIYE oo kulan la Yeeshay Saraakiil ka Socota Hay’adda Independent Diplomat

0
393
????????????????????????????????????

Masuuliyiinta KULMIYE oo kulan la Yeeshay Saraakiil ka Socota Hay’adda Independent Diplomat
Hargeysa (Warsugannews)- Masuuliyiinta xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa la kulmay dublamaasiyiin iyo saraakiil ka socda hay’adda Independent Diplomat (ID) oo fadhigeedu yahay dalka Boqortooyada Ingiriiska, kana shaqaysa xidhiidhada caalamiga ah iyo arrimaha dublamaasiyadda adduunka.

Hay’adda Independent Diplomat oo kala shaqaysa dawladda Somaliland xoojinta xidhiidhada caalamiga ah, hawlaha dublamaasiyadda iyo siyaasdda arrimaha dibadda si ay Jamhuuriyadda Somaliland uga midho-dhaliso aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha xarunta guud ee Independent Diplomat ku leedahay magaalada London Mr. Paul Whiteway oo booqasho ku yimi dalka.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ay wehelinayeen Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi), Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga, waxay ka wadahadleen dublamaasiyiintan arrimo ku saabsan wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladda Somaliland iyo hay’adooda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga iyo xukuumaddiisa.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) oo markii kulankaasi dhammaaday faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii lagaga wadahadlay, ayaa sheegay inuu ahaa shir muhiim ah oo madaxda xisbiga iyo saraakiishani ku falanqeeyeen arrimaha khuseeya siyaasadda Somaliland.

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhaweeyey oo uu qaaiblay weftiga ka socda hay’adda Independent Diplomat oo runtii si wayn ugala shaqaysa Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dhanka siyaasadda khaarajiga sida arrimaha dublamaasiyadda, xidhiidhada caalamiga ah iyo arrimaha wadahadallada ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanna kulankan lagaga wadahadlay sii xoojinta iyo horumarinta xidhiidhada dublamaasiyadda Somaliland.

Waxa kaloo laga wada xaajooday siyaasadda khaarajiga ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee ay xilligan ku shaqayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo qorshayaasha cusub ee xisbigu muhiimadda uu siinayo inuu ku daro barmaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku hawlgalo sannadaha soo socda,” ayuu yidhi Xasan Gaadhaafi.

Dhinaca kale, Agaasimaha xarunta guud ee Independent Diplomat Mr. Paul Whiteway oo ay wehelinayeen saraakiil uu ka mid yahay Mr. Michael oo ah u qaybsamaha hay’adda ee Somaliland, waxa uu dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo qaabiladda masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ay kala kulmeen, waxaannu sheegay inuu isagu dalka u yimi isbarashada madaxda dawladda iyo axsaabta Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayntiina waxa uu sheegay inay sii wadayaan wadashaqaynta ay la leeyihiin Somaliland oo uu ku tilmaamay mid muhiimad wayn leh oo soo socotay tan iyo sannadkii 2006-dii.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0863

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????