Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Wadani?, Wq:Maxamed Dahir Axmed,Qaybtii Koowaad. WQ:Maxamed Dahir Axmed

0
532

Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Wadani?, Wq:Maxamed Dahir Axmed,Qaybtii Koowaad.
WQ:Maxamed Dahir Axmed

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani waxa uu inta badan sheegaa doodo amba qodoba suaalo dhaliya inta badana iska hor imanaya,waxana ka mid ah:

1.Xisbiga Wadani waxa uu ku doodaa in uu isbadal samaynayo,balse suaa’sha iswaydiinta lihi waxa weeyi arrimahan uu leeyahay isbadal ayaan ku samaynayaa amba waan saxayaa Xisbi ahaan isagu marka hore dibada ma ka joogay?,jawaabtu waa maya,Gudoomiyaha xisbiga wadani ee wakhtiga xaadirkan ahna murashaxa xisbiga Wadani waxa uu ahaa Gudoomiyaha golaha sharci dajinta oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladeenu ka kooban tahay (Sharci dajinta,Fulinta,iyo Garsoorka). 12 Sanno ee u danbeeyay waxa uu ahaa Murashax xisbiga Wadani Mudane Cirro gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,oo ah golaha laga curiyo shuruucda laf dhabarta u ah horumarka iyo dawladnimada Somaliland,golahaasi Cirro waxa uu ka dhigay Gole laga tukaamaysto (Shopping Center) oo ay ka tukaamaystaan danahoogana ka dhamaystaan kolba cidii dan ka lehi,isagoo Cirro dano shakhsi iyo dano siyaasadeed ku badashay waajibkii ka saaraa in uu ka guto mooshinada iyo sharciyada golaha la hor keeno.Waxa kale oo u ka gaabsaday in uu golohu xakameeyo golaha fulinta ee dawladeena,balse waxa uu isku furay labadii waaxood. Waxa ay dadka arrimaha golaha la socdaa ay sheegeen in si khaldan loo maamulo miisaaniyada golaha iyo hantida kale ee goluhu leeyahay.Safarada dibada uu ugu baxo Cirro waxa ay la xidhiidhaan danaha gaarka ah ee xisbigiisa Wadani(Conflict of interest) isagoo huwan shaadhkii golaha wakiilada.

2.Dhadhaarka Fulinta ragii ugu tunka waynaa lixdii Sanno ee u danbeeyay ayaa maanta safka hore ee xisbiga Wadani soo fadhiya;sida Xirsi,Cabdirasaaq Khaliif,Geedoole,Maxamed biixi yonis,iyo Duur oo kala haystay wasaaradaha awooda iyo dhaqaalaha badan ee Madaxtooyada,Arrimaha gudaha,Arrimaha dibada,Hawlaha guud,iyo Waxbarashada. Ragaasi maanta miyaanay ku khaladanayn dooda odhanaysa waxbaanu saxaynaa amba badalaynaa,maxaad waxa aad imika laadahay waan sixi doonaa markii aad midida daabkeeda haysay u badali wayday,ma naf cusub ayaa ku soo gashay? Maxaa isbadalay?,isla adigii uun maadan ahayn ku caan baxay musuqa,eexda,isku dirka dadka walaalaha ah ,xadhiga dumarka,xadhiga saxaafada,sharci jabinta, kutagrifalka awooda iyo Iwm.

3.Wadani waxa kale oo uu meelaha ka sheegaa ictiraaf ayaanu keenaynaa,Maxamed biixi yoonis waa kii wasiirka arrimaha dibada ahaaye muxuu markaa aqoonsi u keeni waayay. Ta kale iskaa daa xisbiga Wadani aqoonsi uu keeno balse waxa looga cabsi qabaa in uu ku shaqaynayo mabda Soomaliwayn iyadoo ay ku jiraan rag xilal waawayn ka soo qabtay dawlada Xamar ka dhisan.Ta kale ururka Damuljadiid ee kooxda Xirsi,Duur,iyo Cabdirasaaq khaliif ka tirsan yihiin ma aaminsana mabda gooni isutaaga Somaliland,balse ururkooga waxa saldhig u ah mabda ah Soomaliwayn.

4.Murashaxa Wadani waxa uu ku doodaa arrimaha dhalinyarada ayaan waxa ka qabanayaa.Murashaxa Xisbiga Wadani,wakhtigii dawladii kali taliska ahayd ay dhalinyartii wakhtigaa jirtay xasuuqaysay kamuu hadal,kama dhiidhiyin,balse dawladii wakhtigaa jirtay ayuu u shaqaynayay siyaasadeedana la dhacsanaa. Su’aasha muhimka ahi waxa weeyi qiimaha dhalinyarada wakhtigaasi jirtay iyo qiimaha dhalinyarada maantu miyaanu isku mid ahayn? Jawaabta waxa weeyi waa isku mid dadkuna waa dadkii ,dad kale ma aha,Cabdiraxman Cirrona waa shakhsigii uun. Ta kale Murashaxa Wadani caruurtiisu Finland ayay ku nool yihiin waxna ku bartaan,waxana daraasado badan oo arrimaha bulshada laga sameeyay ay sheegayaan inta badan quluubta waalidiintu waxa ay ku xidhan yihiin halka caruurtoodu joogta,iyagoo xiiseeya heerarka waxbarashada,caafimaadka,amniga iyo dhaqanka ee wadanka caruutoodu ku nooshahay.Sidaa daraadeed dooda odhanaysa Mudane Cirro ayaa u damqanaya dhalinyarada Somaliland waa dood madhan.
5.Xisbiga Wadani waxa uu ku doodaa amniga ayaanu sii xoojinaynaa balse sida ay xaqiiqadu tahay iyaga ayaa amniga looga baqayaa wax ay ka qabtaan iska daaye. Marka ugu horaysa Murashaxoogu waxba kama yaqaano arrimaha amniga,khibradna uma laha,waligii kama soo qayb galin shirarkii isdaba jooga ahaa ee wadanka ka qabsoomay sida Shirkii Borama,Shiekh,Hargeisa iyo Burco. Ta kale waxa ka mid ah xisbiga Wadani ragii gawaadhida kurka ka jaray wakhtigii ina Riyaale iyo waliba kuwii wasaarada arrimaha gudaha ku fashilmay iyo xalinta shaqaaqooyinka. Si gaar ah waxa Wadani uga tirsan wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee amray in taageerayaashii Xaqsoor xabad nool lala dhaco.

La Soco Qaybaha kale
Waad mahadsantihiin
Wq:Maxamed Dahir Axmed