Maxaa Mudan In Wax Lagu Xusho (qaybtii 2’aad)

0
701

Maxaa Mudan In Wax Lagu Xusho (qaybtii 2’aad)

Qormadeenii hore waxa aynnu ku soo qaadanay cidda mudan ku dayashada iyo saaxiibka sifooyinka loogu xulanayo, Sidaa darteed qormadeennana waxaynu ka sii qaadaynaa cidda saddexaad ee tahay in laga dhimbiil qaato maadaama aynu qormada hore ku soo qaadanay suubanoow rasuulkeenii (N.N.K.H) iyo saaxiibka, qormadana waxaynu si kooban u dhugan doonaa hogaamiyaha.

HOGAAMIYE: – Waa erey macno ahaan balaadhan oo loo adeegsan karo meello badan oo nolosha se waxa aynnu ka eegi doonaa hoomiyaha ummadda iyo waxa ay mudan tahay in lagu xusho. Hogaaminta waaxa bud dhig u ah qorshayn iyo fulin,taas oo uu ku aas’aasayo dhisida shakhsiyadiisa iyo bulshadabba.Hogaamiye waa shakhsi ka soo dhex baxa bulshada uu la nool yahay oo uu kaga soo dhex baxo sifooyin u gaara oo aanay bulshada inteed kale la wadaagin ama uu dheer yahay.
Hogaamiyaha la xulanayo waxa muhiima u ah in lagu xusho qodabadan
1. Hal adayg:- Hogaamiyuhu waa in uu noqdaa qof hal adag oon iska badalin hadafkiisa oo aanay saamayn ku yeelan wax yaalaha dibada kaga imanaya.
2. indheer garad waa in uu ka aragti iyo aqoon ba dheer yahay bulshada inteeda kale ,sida marka uu qaadanayo go’aanada masiiriga ah, isla markaan u sharaxi karaa ahdaaftiisa iyo waxa isaga u muuqda.
3. Isku xidhka bulshada: – Waa in uu noqdaaa mid isku xidha bulshada qof- qof , koox –kooxba iyo guud ahaan ba, isaga oo fahmaaya baahiyahooda midayn kara .
Waa inuu isu soo jiidi karaa inta la shaqaysa marka ay is qabtaan isla markaana mid kastaa noqdaa saaxiibka ugu dhaw ee la shaqeeya.
4. Isbedel:- Waa in uu noqdaa mid keeni kara isbedel la jaan qaadaya wakhtiga iyo bulshada oo hilaadin kara mustqabalkana
5. La Tashi: – Waa in uu yahay mid talada la wadaaga bulshada oo aanu noqon kaligii taliye ama talada ka qaata koox gaara oo ka mida dadka inta la shaqaysa, isla sidoo kalena haadiya oo hufa tashiyada guud ahaan.
6. Hawl kar:- Waa in uu hayay qof hawl kar ah oo shaqada ka horeysiiya hadalka, tusaale marka uu hogaamiyuhu doonayo inuu bulshadiisa wax ku soo kordhiyo waa inuu isagu ugu horayn ficil ahan u sameeyaa si ay bulshadu ugu dayan karto.
7. Dhiiri-galin: – Waa in uu noqdaa mid dhiiri galin kara bulshada xiliyada adag isla markaana soo celin kara yididiiladaiyo rajadda bulshada xiliyada ay quustaan.
8. Geesimo:- Waa in uu noqdaa geesi aan kayr -kayrin xilliga cadawga la is hayo oo qaatadan go’aamo iska hor imanaya.
9. Odoraska Waxa soo socda :- Hogaamiyaha waa in uu leeyahay saadaalin ku dhisan mustaqbalka halka uu u socda iyo sida lagu gaadhayo, isla jeerkaasna waa in uu wixii tagay leeyahay waayo aragnimadii uu ka dhaxlay oo weelaysan si aanay berri ugu noqon wax cusub.
isku soo wada xooriyoo qodobadan iyo kuwa la hal-maala’a waa kuwo u baahan in loogu hilaad bixiyo cidda la xulanayo iyadoo lagu jaan go’aynayo hirarka mawjadeed ee looga baahan yahay. Balse haddii meelo kale iyo sifooyin kale oo aan ku dhisnayn xulasho dhab ah lagu eego waxa hubanti ah in la hareer maray xulashadii la rabay.
Dhamaad

Qalinkii Axmed Baashe Aadan
Email: – axmedbashe14@gmail.com