Maxaa Sababa In Xisbiyada Siyaasadu Burburaan?

0
352

Maxaa Sababa In Xisbiyada Siyaasadu Burburaan?

Taariikhda in badan ayeynu ka baranay ama u soo joogney xisbiyo dhinaca siyaasada ah ama kuwo kale oo burburay, taariikh mooyee aan dhismahoodii la haynin(aan jirin).Kuwona waxaynu taariikhda ka akhrisanay iney magacii hore ku bedeleyn mid kale sidoo kale waxaa jira kuwo mudo dheer gaadhay welina jira oo shaqaynaya. Si aynu u fahano guul darada xisbiyada siyaasada ayaa waxaa muhiima in aynu horta fahano waa maxay xisbiyada siyaasadu?Waa maxay Shaqada ay qabtaan?

Maxaa ka jira sheegashada xisbiyada siyaasada ee Dimuqraadiyada?

Maxay tahay Dimuqradiyadu?.Su’aalahan iyo kuwo kaleba waxay inoo sahlayaan ka jawaabidoodu fahanka guud ee xisbiyada dhinaca siyaasada .

1- waa maxay xisbi siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeed waa urur

ka mid ah dadka(ay lee yihiin) kuwaas oo doonaya inay xaqiijiyaan(gaadhan) hadaf dhex u ah in xubnahoodu ku hantiyaan loolanka awooda siyaasadeed.

Waxaa kale oo aynu odhan karnaa: Xisbi waa koox dad ah oo wadaaga aragti isku mida rabana iney awooda dal ku gaadhan hadafkaa ay wadagana ku bedelaan aragtida hada ee siyaasada ee dalkaasi.Sidoo kale

Xisbi siyaasadeed waa koox dad ah oo heegan u ah iskuguna yimi iney ku guuleystaan doorasho.

Xisbiga siyaasada guud ahaan sharaxiisu ama waxaa lagu qeexi karaa waa sidaasi in kasta oo ay jiraan siyaabo kale oo ay u dhigaan khuburada dhinca falasafada iyo siyaasaduba qaarkood.

Suaasha kale ee aynu isweydiin karnaa waxay tahay:

2-Maxay qabtaan xisbiyada siyaasadeed?

Xisbiyada siyaasadeed wax ay qabtaan ama doorkooda waxaa ugu muhiimsan dhowrkan arimood:

Xulashada Mushariinta

Wargelinta iyo Abaabulida codbixiyaasha

Caawimada(gacan siinta) iyo isku hagaajinta habka sharci dejinta

Qoreynta iyo hawlgelinta sidii hayadaha xisbigu ugu guuleysan lahaayeen awooda siyaasadeed

Soo bandhigida wax qabadka iyo qorshayaasha is bedel ee ay rabaan iney fuliyaan marka ay ku guuleystaan doorashada.Kuwan iyo kuwa kale ba waxay ka mid yihiin waxyaabaha ay xisbiyada siyaasadu muhiimada shaqadooda saaraan.

Lasoco qaybaha dambe hadii Alleh idmo……..

Mahadsanidin Dhamaan

M J Farah

Political analyst and writer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here