telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maxaad ka taqana Qadarinta Nafta( High Self Esteem)!!! – W.Q Ainanshe Yuosuf

Maxaad ka taqana Qadarinta Nafta( High Self Esteem)!!! – W.Q Ainanshe Yuosuf Nour

Maxaad ka taqana Qadarinta Nafta( High Self Esteem)!!! – W.Q Ainanshe Yuosuf Nour
Nimcooyinka ilaahay ina siiyay waxa ka mida, inuu siiyay awooda qofwalba inuu baran karo naftiisa, maxay ku fiicantahay maxayse ku xuntahay. Meelahee ayey ku awood badantahay se meelehee ayey ku taagdarantahay. Garasha la aanta qofku naftiisa garan waayo, waxay sababtaa inuu ama wax ka sareeya saaro, dabeetana culaysiyo, ama uu hoosba u dhigo isagoo liidaya naftiisa, taaso iyada lafteedu sababi karta inuu qofku shakhsi ahaan hoos u dhaco.

Hadaba dadka qaar waxa ay ka raadiyaan qadarinta iyo xushmaynta nafahooda dadkale, shaqo gaara, lacag iyo waxyaabaha la mida. Dadkaa wax aka dahsoon in meesha kaliya ee ay ka heli karaan, ama meesha ay ka soo burqan karto xushmaynta naftoodu inay tahay Allaha abuurtay, dabeetana naftooda. Qadarinta Naftu waa muuqaalka wanaagsan ee qofku naftiisa u arko,iyo ka ilaalinta uu iska ilaaliyo wax kasta uu sababaya hoos u dhigida naftiisa.Qadarinta naftu ama xushmaynta qof naftiisa xushmeeyaa maaha mid la soo dhalata, ee badi waxa uu ka kasbadaa deeganka ku xeeran(Guriga, Schoolka iyo Masaajidka).

Culimada Cilmu Nafsiga waxa ay u qaybiyaan qadarinta nafta laba qaybood:

Qadarin uu kasbaday:Qaybtan koobaad ee qadirinta naftu waxa ay sheegaysaa in qofku uu ka kasban karo qodarinta naftiisa guulo uu gaadhay owgood. Si kale hadaf ama wujeedo qof lahaa oo uu gaadhay waxay dhaxalsiinaysaa qadarin iyo xushmay uu xushmeeyo naftiisa.

Qadarinta nafta dabadeena guusha(Self esteem first then success): Qaybta labaadi waxa ay aaminsantahay in qofku ay tahay in uu marka hore qadariyo naftiisa, kadibna guushu waxa ay soo raaci qadarinta oo qadariyay naftiisa. Culimida Nafsigu way isku khilaafeen labadan qaybood, kuwo taageersan qaybta koobaad waxa ay leeyihiin qadarin qof iska mala awaalan karaa majirto, ee qadarintu waa natiijo ka dhalatay Guul uu qofku gaadhay. Halka kuwa kale ee iyaguna taageersan qaybta labaadi ay leeyihiin qofku hadaanu naftiisa qadarin iyo xushmo u hayn kumaba hamoon karo inuu gaadho Guul.

Qadarinta nafta iyo kalsoonida nafta: Dad badan waxa iskaga khaldanta Qadarint, xushmaynta nafta iyo ku kalsoonaanta nafta. Waa erayo u eekaan kara inay isku macno dhamw yihiin, laakiin markaad si qotale u fiiriso kala gadisan.

Qadarinta naftu sida aynu soo sheegnay waa Dareenka ama Muuqalka wanaagsan ee qof ka haysto naftiisa.Kalsoonidu waa aaminaada qofku uu aamino awoodaha iyo xirfada uu leeyahay, ee Illaahay ku galadaystay. Waxa hada aad dheegan kartaa Faraqa u dhexeeya labada weedhood.

Haddaan faahfaahiyo waxaynu oran karnaa qofku hadaanu qadarin naftiisa waxay caddaynaysaa in aanu kuna kalsoonayn naftiisa, marka farqigoodu waa Midkood ayaa noqda natiijada ka kale. Qadarinta oo qofku qadariyo naftiisa iyo xushmaynta uu xushmeeyo ayaa waxa ay keenaysaa in uu ku kalsoonaado waxa awood iyo xirfad Alle ku mannaystay.

Qadarinta Nafta iyo Guusha:

Marka aad garawsato Naftaadu in ay kaa mudantahay inaad xushmayso oo aad qadariso, mahadisana Allahii ku siiyay, waxa aad helaysaa in aad ku kalsoonaato naftaada –saan kor ku xusnay- kadibna waxa aad si fudud u gudan kartaa wujeedadii alle kuu keenay Aduunka. Hadaynu nahay umad islaama waxaynu aaminsanahy wujeedada koobaad ee ilaahay inoo abuurtay inay tahay inaynu u noqono Adoomo, cidna aynaan la wadaajin cibaadadiisa.

Waa xaqa koobaad ee ay tahay inaad kudato, ka labaad Aduunkan aad ku soo biirtay ee aad ku nooshahay waxa uu kugu leeyahay isna xaq, oo ah inaad wax nafci leh ku soo kordhiso isaga(Adduunka) iyo dadka ku noolba. Waxa hubaal ah mid kastoo inaga mid ah-si uu anfaco aduunkan- wujeedo ayaa Allle(S.W.T) u abuuray, wujeedadaa oo aad qabato ayaa ah Guusha.

Qadarinta naftaadu iyo inaad xushmaysaa waxay kuu fududaynaysaa inaad u lugayso halkaa iyo guusha, adigoo ku mijo qaaran awood iy dhiiranaan. Halka guusha lafteedu ay ku dhaxalsiinayso xushmad iyo ixtiraam inaad siiso naftaada. Markaa waxaynu odhan karnaa midba midka kale ayuu nafaqeeya, wadajoogoodu waa libaanta, kal maqnaanshohooguna waa kala dhantaalnaan.

Shanta rukun ee qadarinta nafta :

1.Ogolaanshaha inaad tahay qof muhiima oo cidlamid ahi aanay jirin(Unique Person): Ogaalka aad ogtahay inaad tahay qof runtii muhiim ah, cid -si dhama is tiran- kula mid ahina aanay jirin(Unique) waxaad runtii u talaabsanaysaa talaabo saxa dhinaca qadarinta iyo xushmaynta naftaada. War baahinta oo dadku ay ku lumiyaan waqti aad u badan waxay ka mid tahay meelaha Jaah wareerinkara qofka eek u kalifi kara inuu dadkale isku eekaysiiyo. Mana oga isku eekaysiinta haduu sii wado in ay dhici doonto, xilli uu garanwaayaba shakhsiyadiisa ku dayasho iyo fulin uu fulinayey waxa warbaahintu u yeedhinayso awgeed. Dale Carnegie ayaa qoray “ Waxba waqti hayskaga lumin ku dayasho qof aad ku dayanayso. Waxaa tahay wax ku cusub Adduunkan . kasoo bilaw Aadam muu jirin qof adoo kale ah; waleegedna jiri maayo qof adoo kale ah”. Qoraa Garmal ah ayaa waxa uu qoray, “Balaayada ugu wayn ee qof Insaana heshaa waa isaga oo is aaminsiiya in uu jiranyahay”. Aaminida oo qof aamino xanuun nafsiya ama uu hoos isu dhigo(Xaqiro naftiisa) waa albaabada ugu horreeya ee Guul darrada. Qofkuna waa kolba sida uu naftiisa ka aamino. Alle qof kastoo inaga mida wax uu u abuuray si ka duwan qofka kale, midkastaabaa awoodihiisa gaarka ah ayuu lee yahay. Xilliga ay munaasibka tahay ayay dad fahmaan kadibna hadaad ku mashquulaan inay kobciyaan awoodahooga, kabaana taagdaradaada ( bartaan Naftooda) , halka dadkalena ku mashquulaan inay ku daydaan dadkale kuna danbeeyaan guuldaro.

Aqbalida dadka kale sida ay yihiin:
Hadalkaa hore ee sheegaya in ilaahay qof kastaba u a buuray si ka gadisan dadka kale, midkastaana loo abooray wujeedo gaara. Waxa uu ixtiraamayaa dadka kale iyo inay yihiin dad iyaguna leh awoodohooga, iyo xirfadahooga. Ixtiraamka aad siiso bulshada kugu xeeran, iyo aaminida aad aaminto in ilaahay qofkastaba u abuuray si ka gadisan dadka kale, ayaa ka mid ah fikradaha dadka ku kalsoon naftoodu ay aaminsanyihiin.

Dadka aduunkan ku nool qofba wujeedo ayuu u joogaa Allana ugu abuuray(aayad). Qaar kamida Insaanka wujeedadoodu way cadahay umana baahna u sii fiirsasho badan oo waa mid muuqata, qaarkale waxay kaaga baanyihiin fiirsasho, halka qaarna aad u malayn karto wax wujeedo ah ba inaa aanay lahayn. Sheekadan baad ka dhex dheegan kartaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin dhir jare(Geedaha gooya si uu u iibiyo, dabeeto doonyaha lagu dhiso ama guryaha) ah u kaxeeyey inan uu awoow u ahaa halkaa iyo kaynta si u soo siiyo tababarkiisii koobaad ee dhir jarida.Si ay hadhawto uga iibiyaan dadka doonyaha sameeya.Markay kayntii gaadheen ayaa waxa uu Dhirjarahii u sharaxay inan kuu awowga u ahaa wujeedada geedkastaa leeyaha waxay ku sugantahay kolba qaabka uu geedkaasi leeyahay: qaar jiridoodu way toosantahay , qaarkale qalooc baa ku jira oo doonyaha ayaa loo adeegsan karaa, halka qaarna dhaadheeryihiin oo Udub guri noqon karaan. Dhirjarihii wuxuu ku yiri inankuu awowga u ahaa si aad u kala saarto geedahaas iyo faaidooyinkooda waa inaad u fiirsasho dheer samayso, sirta geed kastaana waxa ay ku jirtaa qaabka uu u samaysan yahay, maalin maalmaha ka mida adiga ayaa noqondoona Geedjaraha kayntan. Wax yar markay kayntii dhex socdeen ayaa inankii uu awowoga u ahaa Dhirjaruhu waxa uu arkay geed aad u da’ wayn oo aan la jarin. Waxa uu waydiiyey awoowgii haduu jari karo waayo wax faaiido ah uma laha, samys dooneed iyo dhisitaan guri midna looma isticmaali karo, jiridiiso way gaabantahay laamihiisuna hoos ayay u soo janjeedhaan” ee hadaynu goynu xaabo aynu wax ku karsano ayaynu ka dhigan lahaynba”. Inankii ayaa sidaa yiri.Xaboolihii wuxuu u sheegay waa sax ee hada ina mari aan soo goynu ku wa munaasibka ah, hadhaw ayaynu u soo noqon geedkan da’da wayn. Saacado kadib inankii wuu daalay siduu ula shaqaynayey Geedjarihii, kadibna wuxuu ka codsaday hadday yara nasan karaan meel hadh leh. Geedjarihii waxa uu u kexeeyey inankiisii yaraa halkaa iyo geedkii duqa ahaa, halkaasoo ay ku nasteen laamihiisii so janjeedhay oo sameeyey hadh aad u qabow, waxoogaa markay nasanayeen ayuu Geedjarihii u sharaxay inankiisii faaiidada ay leedahay aragtida fog iyo u fiirsashada qotada dheeri ee ay tahay in loo yeesho kaynta iyo makhluuqaatka kale ee Alle abuurayba. Dulucda sheekado way cadahay. Waa inaynu dadka u ixtiraanaa sida ay yihiin, aaminaana qofkastaaba inuu hawl gudanayo. KA Waalanba wujeedo ayuu u joogaa Addduunkan.

si wanaagsan inaad u muujiso barahaaga awoodeed( Strength points): Aduunkan aynu ku noolnahay waxa inta badan lala kulmaa dhibaatooyin, xanuuno iyo carisyo badan. Qofkasta ilaahay waxa uu siiyay hab u gaara oo uu kaga badbaado Arrimahaas. Dadka xushmeeya naftooda waxa ay inta badan u muujiyaan awoodaha uu ilaahay siiyay si taban.
Wax aka mid ah inay ugu gargaaraan Binu Adamka, kuna caawiyaan dadka taagta daran. Xilliyada Tartanka iyo xafiltanka Dadka qadirnta nafta lehi waxa u muujiyaan nimcadoodaa si qurux badan oo marnaba aan ku beerayn colaad qofka laga yaabo inuu tartan la galo iyaga.

Kala duwanaanshuhu ma sheegayo in ay cidi khaldantahay, cidkalena saxsantahay(Marka laga reebo Caqiidada) ee waxa ay sheegaysaa in qofba arimaha uu u qabto uun hab ka gadisan ka kale. Si bilaa turxaanana wuu u sharixi karaa habkiisa gaarka ah, waa intaasoo lagaba faa iidaa.

4.Naftaada inaad ku tiirsanaato noqotana qof go aan leh :Dadka inta badan muuqa fiican ka haysta naftooda ma canaantaan mana eedeeyaan dadka ku xeeran, ama xaaladaha lasoo darsay inay guul daraysteen. Masuuliyada ayey naftooda saaraan , waanay daydayaan xal ayey kaga gudbi karaan waxa lasoo darsay. Dadka naftooda muuqaalka fiican ka haystaa waxa ay aaminsanyihiin qadarka ilaahay. Waxaan ku sugan qalbigooda aduunyadan inaanany ku dhacayn ilaa wixii ilaahay u qoray mooyaane. Xal bay raadiyaan laakiin uma isticmaalaan waxa la soo darsa cudurdaar.

5.Himiladaada oo sareysa iyo hiigsiga meelsare: Nabi Muxamed(Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri: “ Alle waxa uu jecelyaha umuuraha ku wooda sare”. Xadiiskaa waxaynu ka faaidanaynaa in aad ku hamido meelsare, haday noqoto aakhiro iyo Aduunyadanba. Oo marnaba aana ku raali noqon meelaha hoose.Gabayaagii Cabbaasiga ahaa ee AL Dabaraai waa kii lahaa:ودع غمار العلى للمقدمين على…ركوبها واقتنع منهنّ بالبلل. رضا الدليل بخفض العيش يخفضه والعزّ عند الرسيم الأينق الدلل Oo macnaheedu yahay uddaa maraakista sare ee nolosha dadka dhiirani ha fuulaane, adna kaga qanac waxa yar.

Hoosaynta oo qofku raali ka ahaadaa hoos ayay u dhigtaa sharaftuna waxay ku jirtaa safarka adoo adeegsanaya Gaadiid kolbaa kii aad helayso(Fikirka gabayaaga).Qofkastaabana waxa uu ku noolyahay kolba halka himiladiisu ay dhigtay. Illahayna waxa uu kugu arsaaqayaa hadba himiladaada.

Xoojinta kalsoonida(boosting) AL Xamdu Lilaah kalsoonidu saan soo sheegnay, waxay u badantahay in ay tahay kasbasho qofku uu kasbado deegaanka ku xeeran. Waalidka ayaa ugu horreeya meelaha qofku kalsoonida ka helo, haddii hooyadaa iyo Aabaha kuu muujiyaan in aad tahay qof qaaliya way adagtahay in cidkale kaa dhaadhiciso taa kasoo horjeedkeeda.

Dadka naftooda qadariyaa way iska ilaaliyaan in ay cid kale dhaawacdo ama wax yeelayso. Waqti kuma lumiyaan muran ay la murmaan qof ay u arkaan in uu bilaa aqoon yahay. Ilaahayna waxa uu ku sheegay qurankiisa Kariimka ah:”وعباد الرّحمىن الدين يمشون على الأرض هونا وادا خاطبهم الجاهلون قالوا سلىما’ Dadka naftooda qadariyaa waa dad fisha oo naawila mar kasta wax fiican, Adduunkan aan ku noolnahay dhinac xun, iyo mid wanaagsanba wuu leeyahay.

Dadka naftooda qadariyaa kuma xidhaan farxadooda iyo hididiiladooda dhibaatoyin ka jira Meesha ay ku noolyihiin Awgeed, ee waxay isku dayaan inay baddalaan oo u badalaan si Taban, oo iyaga iyo dadka ku xeeranba faaido u ah( Farxaddu waa ikhtiyaar aad adigu leeadahy, ee maha waxaad ka dhaxasho duruufo kula soo darsay awgood). Nin aanu saaxiib nahay ayaa waxa aan ka hayey :’’Ceeb jidhkaaga ku sugan mitir maro ka yar ayaa qarin karta, laakiin ceeb maskaxdaada ku sugan hadalkaaga ugu horreeya ayaa qaawinaya’’ز

Guntii iyo gaba gabadii, Qarnigan aynu noolnahay qofku naftiisa inuu qadariyo, kalsoonidiisana adkeeyo waa wax lagama maarmaana. Caalamka hadda aynu noolnahay waxa ku batay Abaanduulayaasha ku dayashada, oo ah dad aynu u xisaabino (Role models) laakiin aan ahayn kuna haga dadka ku dayda wadooyin khaldan, oo ha dhaw ka majara habaabisa wujeedadiisii noloshiisa.

Waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkaygan gaaban¸Qadari naftaada xushme ixtiraamna waayo way u qalantaa.

ALLAA MAHAD LEH

Ainanshe Yuosuf Nour.

Email: Nur­-mas122@hotmail.com

2,541 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins