Maxaad Ku Xusuusan 2016 shirkada Dahabshiil, kana saadaalin 2017 Idamka Alle, kaalintaaduna tahay muwaadin!

0
382

Maxaad Ku Xusuusan 2016 shirkada Dahabshiil, kana saadaalin 2017 Idamka Alle, kaalintaaduna tahay muwaadin!
Maxamuud Cali Sh. Maxamed Walaaleye.
Xadiis Nebigeena CSW ayaa micnahiisu ahaa “dhamaantiin waxaad tihiin masuul,” taasoo loo baahan yahay in qof kastoo innaga mid ah ka soo baxo, sidoo kale, shirkada dahabshiil waxaynu odhan karnaa, bulshaduna qiraysaa inay gudatay masuuliyadii ka saarnayd bulshada ay u adeegto.
Waxay shirkada Dahabshiil ku bixisay malaayiin dollar mashaariicda dhinaca waxbarashada, Caafimaadka, taageerida abaaraha, daadadkii, iwm, taasoo saamayn dhab ah ku yeeshay bulshada Geeska Afrika.
– Taageerada Waxbarashada: wareysi uu Prof. Axmed Cabdillahi Boqore, Agaasime Ku-xigeenka of Jaamacada Camuud, oo ka hadlayey ayaa sheegay in, “Marka laga reebo bixinta qalabka iyo kaabayaasha Hay’adaha Waxbarashada, Dahabshiil hal talaabo dheeraad ah u qaaday inay u hurto wakhtigooda iyo agabkooda lacag la’aan si ka duwan hay’ado kale”. Dhinaca kale, Maxamed Cali oo dhigta Jaamacada Muqdisho ayaa yidhi, “Shirkadda Dahabshiil keliya ma taageerto aqoonyahanka, laakiin, sidoo kale taageertaa ciyaaraha iyo hawlaha kale, si loo helo aqoonyahan si wanaagsan u fikira.”

– Horumarinta Caafimaadka: Dahabshiil waxuu kasbaday inuu noqdo maalgeliyaha ugu weyn ee ganacsiga gaarka loo leeyahay, si weyna u taageeraa cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee barriga Afrika iyo Geeska Afrika. Cusbitaalada sannadahii u dambeeyey shirkada Dahabshiil taageerada balaadhan ka geysatay waxa ka mid ah Cusbitaalka Laascaanood, Cusbitaalka Burco, Cusbitaalka Garoowe, Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Cusbitaalka Banaadir, Cusbitaalka Madina iyo Cusbitaalka Kaysenay.

Dib u eegida qormooyin kooban oo laga qoray waxtarkii shirkada
Ururka HORMOOD GLOBAL oo bogaadiyey deeq Shirkada DAHABSHIIL ku taageeray isku xidha jidka Burao-Hargeisa July 18, 2016 –Ururka HORMOOD GLOBAL wuxuu bogaadin iyo hanbalyo u dirayaa Dahabshiil Group oo deeq dhan $ 40,000 ku taageeray jidka isku xidha Burao-Hargeisa .Ururka Hormood Global waa urur samo-fal ah taageera baahiyaha asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada , biyaha iyo wadooyinka. Waxaanu qiraynaa in Dahabshiil Group ay kaalin mug leh ka qaataan taageerada baahiyaha ka jira dhamaan Goboladda Somaliland. Jidka isku xidhi doona labada Magaalo-madax ee Somaliland, Burao & Hargeisa,waa wado halboole u ah kobcinta dhaqaalaha, ganacsiga, difaaca qaranka, gurmadka ciidanka, isdhexgalka & isu-socodka bulshada, tashiilka shidaalka & waqtiga iwm.

Waxaanu ku boorinyayna shirkadaha waawayn ee ka hawl gala Somaliland , ganacsatada, qurbjoogta iyo inta jecel horurmarka , inay ka qayb ka qaataan dismaha jidka isku-xidhi doona labada magaalo madax ee Burao- Hargeisa.

Dahabshiil Bank Oo $14000 Ugu Deeqay Dugsiyada Agoomaha & Ardayda Arraga ka Naafadda Ah Hargeysa. July 26, 2016-Bangiga Dahabshil ee caalamiga ah ayaa u fidiyay deeq dhan afar kun oo doolar ($4000) xarunta dugsiga ardayda arraga ka naafadda ah ee Somaliland Braille Centre (SBC). Maamulaha baanka Dahabshiil Mr. Maxamed Siciid Cawaalle, oo ka hadlayay Isniintii xafladdii lagu wareejinayay deeqdaasi ayaa yidhi, “Haddii aanu nahay baanka caalamiga ah ee Dahabshil waxa aan aqoonsanay muhimadda ay leedahay taageerada bulshada aanu u shaqeynayno oo la caawiyaa dhinacayaga waa wax aad uga weyn.”
“Waxa kale oo aanu iyagana dhawaan deeq lacageed oo dhan 10 Kun oo Doolar ugu caawinay xarunta dugsiga agoomaha ee magaaladda Hargeysa,”ayuu yidhi maamulaha Baanka Dahabshiil.

Shirkada Dahabshiil oo mucaawino dawooyin gaadhsiisay cusbitaalka Burco-Cusbitaalka Burco ayaa ka gudoomay sagaal kartoon oo dawooyin ah shirkada Dahabshiil, xaflad lagu qabtay xarunta cusbitaalka, salaasadii 8 August, 2016.

Shirkada Dahabshiil ayaan ku koobnaan keliya taageeradooda dhinacyada kala duwan ee u fidiyaan bulshada ay u adeegaan ee Soomaaliya, balse ka qeyb qaata una hura inay ku bixiyaan dhaqaale hawlaha nabadeynta laga wado bulshada dhexdeeda.
Khadar Cali Jaamac, gudoomiyaha shirkada Dahabshiil ee Gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday in shirkadu qeyblibaax ka qaadan doonto dhaqaalaha ku bxaya hawlaha nabadeynta beelaha ee Dhumay. Khadar ayaa sheegay in shirkadu diyaar u tahay inay si buuxda uga qeybqaadato hawlaha, imikana bixiyeen dhaqaale horumarin hawlaha nabadeynta gaadhaya 10 Kun dollar.

Masuuliyadaha shirkada Dahabshiil ee ku aadan bulshada ayey ku jiraan dedaalada shaqo abuurka waxaanay dhowaan bilowday mashruuc lagu maalgelinayo ganacsatada yaryar taasoo ay ku deeqeen dhaqaale gaadhaya todoba boqol iyo konton kun ay maamulayaan shirkada Shuraako.
Waxaa xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah in shirkada Dahabshiil intan aynu soo sheegnay in in ka badan u qabtay bulshada ay u adeegto sannadkan dhamaanaya iyo sannadahii ka sii horeeyeyba, loona baahan yahay in qof waliba dib u xusuusto, abaalkeedana celiyo, maxuu ugu yaryahay yidhaahdo, waad ku mahadsan tihiin, isla markaana aynaan garab-dhigin shirkada kastoo ka soo hadhay, ilayn ma aragno mid waxtarka Dahabshiil ka badan inna gashatee.
Maxaynu ka filaynaa sannadka 2017 shirkada Dahabshiil-
Waa xaqiiq in qof walba dhaqankiisu tilmaamo, sidaa darteed, waxaan caad innaga saarnayn in bulshada dunidu guud ahaan gaar ahaa Soomaalidu ka saadlinayso inay dhamaan baahiyaadkooda xalkiisa ka heli doonaan shirkada Dahabshiil, maadama horeba uga soo arkeen siday u gudatay.
Kaalintaadu waa maxay muwaadin!
Mar hadii shirkada Dahabshiil ka soo baxday masuuliyadii ka saarnayd daryeelka dhinac walba ee bulshada, una taagan tahay daryeelkaaga (DANTEENA), waa xaqiiq in caqligaaga saliimku inna siinayo dhamaanteen inaan difaacano DANTEENA oo loo soo gaabin karo waa “ shirkada Dahabshiil” Ilaahay baa mahad leh.