Maxamed Cumar Carte oo saaka ku guulaystay xilka aqalka hoose ee baarlamaanka

0
548

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda waqtigeeda sii dhamaanayo ee Maxamed Cumar Carte ayaa saakan ku guulaystay doorashada xubnaha Aqalka hoose oo ka socota Magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo ah mida ay ku loolamayaan xildhibaanada matali doona Gobolada Waqooyi ee dalka, ayaa ahaa kursigii ugu horeeyay ee doorashada, waxaana ku soo baxay Maxamed Cumar Carte oo ka guuleystay Axmed Cismaan Ismaaciil.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa helay codad gaaraya 47 cod, halka Musharaxii la tartamaayay uu helay codad gaarayay 4 sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka.
Ergada codeynaysay ayaa gaareyay 51 Ergo, kuwaasi oo dhamaantood xaadir ku ahaa xarunta Gaadiidka Booliska oo ay doorashadu ka socotay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo meesha doorashada ka dhacday ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyay Ergadii dooratay.