BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maxay Tahay, Xaggee Ka Timi, Maxaad Se Kala Socotaa Maalinta Siddeedda Maarso? (WQ: Ismaaciil X. Ciise)

Maxay Tahay, Xaggee Ka Timi, Maxaad Se Kala Socotaa Maalinta Siddeedda Maarso? (WQ: Ismaaciil X. Ciise)

Siddeedda maarso maxay tahay?. Siddeedda maarso xagga tirada waa maalinta toddoba iyo lixdanaad(67) ee sannadka kaltirsiga miikaadiga marka laga soo bilaabo

Maanta oo kale sannad walba waxa meelo iyo goobo kala duwan oo carro edeg ka mid ah ka dhaca, xusas, dabbaal degyo, isu soo baxyo, isu imaadyo, kulammo, iyo fagaage joogyo lagu maamuusayo, lagu boqrayo, lagu weynaynayo, korna loogu qaadayo maalinka loo yaqaanno siddeedda maarso oo ku beegan maanta marka la joogo kaltirsiga miilaadiga ee maraya eegga kalkiisii laba kun iyo toddoba iyo tobnaad (2017). Haddaba waxa aynnu isweydiin doonnaa waxa ay tahay maalintan aynnu joogno, meesha ay ka timi, sidii ay ku timi, ujeedkii ay u timi iyo guud ahaan waxa uu macneheedu yahay ba si kooban insha Allaah.

Siddeedda maarso maxay tahay?. Siddeedda maarso xagga tirada waa maalinta toddoba iyo lixdanaad(67) ee sannadka kaltirsiga miikaadiga marka laga soo bilaabo tirada kowda bisha jeenanweri ee sannadkaa ibo-furta, halka marka ay saddex sano soo wareegtoba halmar ka noqoto maalinta siddeed iyo lixdanaad (68) ee sannadka, waa sannadka loo yaqaanno sannadka hal dheeriga wata (leap year) ee kaltirsigan gacan ku samayska ah (Gregorian calender).Intaa kolka laga yimaaddo maalinkan waxa loo yaqaannaa maalinka caalamiga ah ee haweenka (International Women’s Day) halka hadda ka horna loo yaqaannay – waa intaan magacan dambe loo bixine – maalinka caalamiga ah ee shaqada/shaqaynta haweenka (International Working Women’s Day).

Sooyaalka siddeedda maarsona aynnu eegno.

– Siddeeddii maarso sannadkii1857-kii ayaa waddanka maraykanaka gaar ahaan magaalada New york waxa ka dhacay bannaanbax balaadhan oo ay sameeyeen haween shaqaale ka ahaa wershed dharka farsamaysa oo ku taallay magaaladaa iyaga oo ka cabayanaya shaqada oo ay aad ugu dhibbanaayeen iyo mushaharka oo aad ugu yaraa.

– Siddeeddii maarso sannadkii 1908-kii ayaa mar labaad magaalada New york waxa ka dhacay dibadbax balaadhan oo ay dhigeen haween gaadhaya shan iyo toban kun “15000” oo ku dhaqan magaaladaa iyaga oo ka cabanayey saddex arrimood oo kala ahaa;

. In saacadaha shaqada laga yareeyo,

. In mushaharka ay shaqooyinka ku qaataan loo kordhiyo, iyo

. In xuquuqdooda codaynta doorashooyinka dalka meel la saaro.

– Sannadkii 1910-kii waxa shir caalami ah lagu qabtay magaalada kooban heegan (Copenhagen) ee xarunta waddanka denmaarik (Denmark) shirkaa waxa ka qayb galay madaxda waddamo gaadhaya toddoba iyo taban waddan waxa ka soo baxay go’aan odhanaya ” waa in sameeyaa maalin heer caalami ah oo ay haweenku leeyihiin sannad walbana la xuso oo lagaga doodo xaqa iyo xuquuqda haweenkii ku dulmanaa dunida galbeedka iyo duulka gaalo.

– Sagaal iyo tobankii maarso sannadkii 1911-kii waxa ka dhacay waddamada jarmalka, ustareeliya, denmaarik iyo iswiisarlaan bannaanbax ay dhigeen malaayiin haween ah iyaga oo xoojinaya go’aankii sannadkii hore ka soo baxay shirkii lagu qabtay kooban heegan ee lagu go’aamiyey samaynta iyo unkidda maalin haweenku gaar u leeyahay oo heer caalami ah.

– Siddeeddii maarso sannadkii 1917-kii ayaa ay bannaanbax dhigeen haweenkii waddanka ruushka iyaga oo ka cabanaya dhibta iyo holoca ka soo gaadhayey dagaalkii kowaad ee adduunka, waxa ayna dalbadeen in loo ogolaado nabad iyo nolol wanaagsan dagaalka iyo ragga meesha ku hirdamayaa waxa ay wadaanna la joojiyo.

– Siddeeddii maarso sannadkii 1921-kii ayuu Leenin oo ahaa hoggaamiyihii nidaamkii shuuciyadda ee midowgii soofiyeeti ku dhawaaqay in siddeedda maarso tahay maalinta haweenka adduunka, sidaa ayaana loogaga dabbaal degay meelo badan oo ka tirsan ruushka iyo dalalka yurub.

– Siddeedii maarso sannadkii 1975-kii ayaa ururka loo yaqaanno qaramada midoobay ee fadhigiisu yahay magaalada New york waxa uu go’aan ku soo saaray in siddeedda maarso tahay maalinta haweenka adduunka iyo dharaarta xaawlayda carro edeg, maalinkaana la xuso loona dabbaal dego iyada oo laga warramayo halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee ay haweenka maraykanka, ruusha, iyo yurub u soo mareen in ay helaan xornimo iyo nolol bini-aadamnimo oo dhammaystiran oo aan dhaawac iyo dheelli midna lahayn, – waa sida ay iyagu u haystaane – lagana baxo wax ay u bixiyeen xilligii mugdiga nolosha haweenka iyo xilligii addoonsiga dumarka ee ragga – waana mid jirtay ilaa immikana jirtee- halkaana lagu sinnaado rag iyo dumar ba.

Maalinkaa waxa innoo soo baxay inuu yahay maalin ay halgameen haweenka maraykanka, ruushka iyo reer yurub magaciisa iyo sooyaalkiisana ay iyagu leeyihiin kuna suntan yihiin dhibkii laga carareyey iyo dheeftii loo suxul duubay, waaba hadday jirto dheef run ah oo ay gaadheen haweenka dunidaa aynnu sheegaynaaye. Maalinkaa ayaa looga dabbaal degaa duni balaadhan oo warkiisaba laga ogayn waxyaabahaa laga halgamayna aanay kaba jirin ama ay ba ka jiraan weli oo sidii si ka xun haweenka loola dhaqmo.

Marka aynnu halkaa la joogo adiga ayaan ba ku weydiinayaaye ma tahay maalin haweenka adduunku wada leeyahay oo wixii dhacay dhib iyo dheef ba wadaagay mise waa maalin la innagu barayo uun dhacdooyinkii haweenka maraykanka, ruushka, iyo yurub?. Ma tahay maalin dadkaa isku micne u samaynaysa oo dhammaantood ay ka midaysnaan karaan dareenkeeda mise waa maalin ciddii lahayd na ay dareemayso dareenkeeda cidda kalena ay tahay dulmane iyada xaqeedii lagu luminayo maalintan iyo magacaa lasoo hadoodilay ee la huwiyey iyada oo aan hadhkeeda hoos joogin weligeedna soo gaadhayn?.

Maxay tahay ujeeddada keenta maalin walba oo maanta oo kale ah haween masaakiin ah inta guryohooda laga soo saaro boodhadh loo soo dhiibo la keeno fagaarayaal waqti badan lagaga lumiyo, carruurtoodii iyo hawlohoodii adduunna lagaga dayaco iyaga oo bacadka iyo kulaylka maarso caddeedda xambaarsan muddo aad u dheer, dadka la hadlaya iyo kuwa soo kaxeeyeyna ay hadh iyo qabow taagan yihiin kana botorinayaan?.

Maxay tahay sababta dadkaa dadnimadooda, jiritaankooda iyo sharaftooda loogu cayaarayo ee loo gumaynayo oo wax aan wax ba ka gelin, waxna aanay ka dheefayn adduunkan iyo aakhiro midna loogu maaxduminayaa maalin walba?. Sow ma aha haweenka maalintan laga soo kaxeeyo guryohooda, carruurtooda iyo danooda kale dulmanayaasha maanta u baahan in gobannimadooda loo geylamo oo loo soo dhiciyo illeen waxa helay gabraarato iyo qawlaysato nafohooda u adeegta oo ku gabood falay dhammaan ahaan shohoodii iyo dadnimoodii boqranayde?.

Ma ogtahay, ma maqashay mase ka war haysaa, in cidda dhibta ugu weyn haweenkeenna ku haysa maanta ay yihiin inta ku hadaaqda u dhaqdhaqaaqayaasha haweenka iyo ururada magacyada haweenka wata ee maanta jooga rag iyo dumar kii doonaaba durbaanka ha u garaacee?. Maalinna ma dareentay in ay duulkaasi yihiin kuwa iyaga oo qudhi ku dheefsada magacyadaa iyo dhaq dhaqaaqaa ay sameeyaan isla markaana ku gumeeya magaca iyo milgaha haweenkeenna dhawrsoon edebsan, dhaqanka wanaagsan ee gobta ah?.

Ugu dambayn maxaa innagala gudboon, ka bulsho ahaan innaga oo isku duuban rag iyo dumar ba barnaamijkan iyo kuwa la mid ka ah ee haweenkeenna si uun u dhaawacaya magacooda, maamuuskooda iyo sharaftooda, dantooda iyo ujeedkooda lagu luminayo, dulmiga iyo meel ka dhaca weyna innagu ah dhammaanteen innaga oo ka duulayna in haweenku yahay lafdhabarta bulsho wanaagsan iyo dhuuxa ummad nool oo qiima adduun iyo mid aakhiro ba dheefsata?.

Ismaaciil X. Ciise Hargeysa Somaliland.

407 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins