Maxkamad sare ee Britain ayaa diiday habka looga baxayo Yurub iyadoo baarlamaanka ogolaan

0
529

Maxkamad sare ee Britain ayaa go’aan ku gaartay in dowladda Britain ay hesho ogolaansho baarlamaan, intaysan bilaabin siday britain uga bixi lahayd Midowga Yurub.
Waxay taageertay dad u ololaynaya in Yurub laga mid ahaado oo ku dooday in dowlada aysan isticmaali karin awooda boqortooyada, oo aysan ka qaadi karin xuquuqda dadka Britishka markii ay ku biireen Midowga Yurub.
Qareenada dowladda ayaa loo ogolaaday inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda.
Xoghayaha ganacsiga caalamiga ee Britain, Liam Fox, oo muhiim u ah istaraatijiyada Britain ay uga baxayso Yurub, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay xushmayso natiijada aftidii June oo taageertay in laga baxo Yurub.