Maxkamadd Ku Taala Masar Oo Xukun Ku Riday Suxufiyiin Ka Tirsan Telefishanka Al-Jazeera

0
370

Maxkamadd Ku Taala Masar Oo Xukun Ku Riday Suxufiyiin Ka Tirsan Telefishanka Al-Jazeera

Qahira (warsugannews) Saddex wariye oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera, ayaa la xukumay, kadib markii lagu eedeeyay inay tabiyeen warar khalad ah, iyadoo lagu xukumay min saddex sano ah.

Maxkamad ku taal Qaahira ayaa wariyeyaashan u shaqeynayay Al-Jazeera oo kala ahaa Mohamed Fahmy, Baher Mohamed iyo Peter Greste ay ku xukuntay saddex sano, laakiin Baher Mohamed ayaa lix bilood dheeraad loogu daray

Peter Greste ayaa horaantii sanadkan loo musaafuriyay dalkiisa, kadib markii Maxkamad sii deysay, waxaana xukunkan uu ku dhacay, isagoo maqan.

Wariyeyaashan ayaa lagu eedeeyay inay caawinayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, sidoo kale aysan wax ruqsad ah heysan markii la xirayay, isla markaana howlo ka waday Hotel ay ka degenaayeen Qaahira.

Saddexdan wariye ayaa sanadkii 2014 la xukumay, hase ahaatee Maxkamad ayaa joojisay xukunkaas bishii Janaayo ee sanadkan, Mr Greste iyo Mr Fahmy ayaa min todobo sano lagu xukumay, halka Baher Mohamed lagu xukumay 10-sano.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa war ka soo saaray xukunkan, waxaana uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax banaanida Cadaaladda iyo xoriyatul qawlka.

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here